Get Adobe Flash player

admin

1 2 3 10

بسم الله الرحمن الرحيم

حكمةُ الجمعة

ـ (فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ) (الزخرف:54)

ـ (إِنَّ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَجُنُودَهُمَا كَانُوا خَاطِئِينَ) (القصص:8)

ـ (فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ فَانْظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الظَّالِمِينَ) (القصص:40)

ـ (وَإِذْ يَتَحَاجُّونَ فِي النَّارِ فَيَقُولُ الضُّعَفَاءُ لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنْتُمْ مُغْنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِنَ النَّارِ. قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُلٌّ فِيهَا إِنَّ اللَّهَ قَدْ حَكَمَ بَيْنَ الْعِبَادِ) (القصص: 47-48)

وفي الصحيحين: (يَجْمَعُ اللَّهُ النَّاسَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَيَقُولُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ شَيْئًا فَلْيَتَّبِعْهُ فَيَتْبَعُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ الشَّمْسَ الشَّمْسَ وَيَتْبَعُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ الْقَمَرَ الْقَمَرَ وَيَتْبَعُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ الطَّوَاغِيتَ الطَّوَاغِيتَ) (مُتّفقٌ عليه)

________________________________________

-Daaquut kufriyey iyo midkii, daba galoo raacay

-Rabbigeen doc buu wada marshoo, wax isma doorshaane

-Ninka kala duwaayow Allaad, dirir ku haysaaye

-Hadduu doqon jiraba sow adigu, uma darraaneysid

________________________________________

 

Allaah waa khaaliqul makhluuq (aduunkaan ahaaday kii ahaysiiyay) ayaa ALLAAH ah.

Oo carabtu ALLAAH way garanayeen oo wuxuu ALLAAH inoo sheegay haddii lawaydiiyo cirka iyo dhulka yaa abuuray ALLAAH bay lahaayeen.

﴿وَلَئِنْ سَأَلْتَهُمْ مَنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ الْعَزِيزُ الْعَلِيمُ

Markaa ayaa la lahaa ALLAAH kaligii ka dhigta ILAAH oo ah ALLAAH kaligii u hogaansama oo ah ALLAAH  kaligii ka qaata, Qawaaniinta, Talada,
Xeerarka, Dhaqanka iyo hab nololeedka oo dhan. Oo ah wixii uu ku faray ku dhaqan, Ka diin dhigo, wixii uu kaa reybayna ka tag kana fogow. waxaad arkaysaa in qur’aanku ay ku caddahay in laga weydiin jiray mushrikiinta wax koonka ka mid ah mulkigiisa, lahaanshihiisa iyo abuuristiisa marwalbana ay ku jawaabayeen ALLAAH .Mana aysan ku jawaabi jirin RABBI ama ILAAH. markaas ayaa la lahaa Allaha aad u qireysaan mulkiyada koonkaan, abuuridiisa iyo lahaanshihiisa Allahaas Ilaah ka dhigta.waxayna u fahmayeen inay la micno tahay hogaamiye ka dhigta, xeer dajiye ka dhigta, dhaqankiisana raaca, wayna diidanaayeen.Cid aan isaga ahayna haka qaadan hab nololeedka taasoo ah LAA ILAAHA ILLALAAH 

{ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ}

Haddii ay dhibaato timaado isaga gargaar waydiiso cid aan isaga ahayn dhib kaama qaadi karto dheefna kuuma keeni karto saa awgeed kaligii ILAAH ka dhigo oo ka dhigan kaligii hogaamiye ka dhigo,Taliye ka dhigo,xeer aan xeer kiisa ahayna haku dhaqmin, saas ayay u garanayeen carabta, markii la lahaa dhaha LAA ILAAHA ILLALAAH

   {لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ}

Waxa ay garanayeen waxa ka dhalanaya waanay diidanaayeen ereygaas liibaantu ka dambeyso        .{ قولوا لا إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ تفلحوا}

(1)  Mawlihii ku uumiyo haddaad  muxamad raacaysid
(2)  Oo aad muwaxid tahay waa ilaah  mahadintiisiiy e
(3)  Mushrik kii ku Oranaaya baa  Seegay marinkiise
(4)  Isagaana kaa mudan inuu  Magacu raacaa e
     
(5)  waxse maanka galiwaayay baa  Maalmahaan dhacay e
(6)  masjid muuqanayoo Illaah,  Magaci loo taagay
(7)  Xumi loo maleegaayo Ibliis,  Marinkii weeyaan e
(8)  Muslim laguma arag gaalse waa  laga maleeyaa e
     
(9)  Abrahii Maroodiga watay  Maqallay Taariikh e
(10)  iyo kii masaarida dhiboo    Riday madaafiic e
(11)  Mufsidkii kibraayaba allaa  Maalin soo rida e
(12)  Iskumariya taariikhdu waa  Lagama maarmaane
     
(13)  Macna aanan garanaynin baa  loo mintidayaa e
(14)  Mooryaanta baa lagu Ogaa   Mahadha ceebeed e
(15)  Maryahaa Caddaadaye Qalbiga  Waad ka mirirteen e
(16)  Is miyiriya Yaan Mowlahay   idin Musiibeyn e
     
(17)  Murtadkiyo masiixiga Kufriyey  Uma midowdaan e
(18)  Mulxid  lumey hadduu yahay Arlada  wayska marayaa e
(19)  Mudug Uma raraysaan Intaad  meel ka noqotaan e
(20)  Masjidkiyo maxaa idinku direy  Muwaxiddiintiisa                  
     
 (21)  Mad-habkii walaalkaa haddaad  Meel ka garan weydid
 (22)  Adigoo muftiga reerka  iyo  MucallimKoodii ah
 (23)  Minbar lagama Caytamo Xaq baa  Lamatalaayaa e
 (24)  Lama maago  Aadmiga Nimaan  Maaddo kaa wadan e
     
 (25)  Murti malaha Xaajada nin kaan  Marag uyeeleyn e
 (26)  Munaadara Cilmi ah baa Haboon  lays maqlahayaa e
 (27)  Haddii aadse madal Laga hadliyo  Muranka diideysid
 (28)  Aan Mubaahaloonee arlada,  Meel inoo bixiya
     

ma caytamo “wadaadow” ninkii                    ceeb ka yaab ihiye

Markaan culumo idin moodno baad               caammo noqtaane

Caabidiinta kaa  maqan inaad                        caydo waa halise

Ma caraatan baa lagu furaa                         ciidda  Ramadaane

 

Cilmi haddii ad dheer tahay naflaha                waa la celiyaaye

Cudur laguma sii beero iyo                           ciil an baxahayne

Colaad lama horkaco waa ibliis                          camalladiisii e

Casabiyiyo waa laga durkaa                           cido la maagaa e

 

Waa lagu  cadaab mudanayaa                       been la curiyaa e

Xantu waa “cad” xaaraana iyo                       caasinimo weyne

Ciriiriga qabriga baa ku xiga                       cayshadda adduune

Hays cajabin wadaadow addoon                      caajisaa tahaye

 

Waa cashiira qura aadmigaad                           cida cidaysaane

Ciiddana “Cismaan” ma laha iyo                    cidaha qaar koode

Rabbi kii ku caabudahayaan                               cidi u diideyne

Cilmigii halkee idinka maray                          cajabe waa yaabe

 

Caqli aan cilmigu toosineyn                           waa cidloo kale e

Caalimkii habaabaa dad buu                            cala ka tuuraa e

Hadba calanki loo lulo ayay                        caamma dalabtaaye

Rabbiyow cidaha wow baqnaye                       caymi taladooda

 

Cilmi layska qariyaana waa                          camal yahuudeede

Cibaadada Ilaah looma rogo                        cayshad nololeede

Niman baaba casharkay dhigaan              cood yar dhaafsada e

Iyagaa canaan weyn mutaye                         maa la soo celiyo

 

Cilmi iyo taqwiyo diin ninkii                          lagaga caal waayo

Inay talo la caariyi Ilaah                             caadil baa dhigay e

Goortay cuquubadu heshuu                          soo calaacaliye

Cibra qaata maantaad adduun                      caga ku haysaane

 

Caqiidada xaqa ah waa Ilaah                          caabud keligiise

Shirki “cayn” walbuu yahay inaad                   ka cafimaadaa e

Nebigii cadnaaniga ahaa                                 la citiqaadaa e

Rabiyow cilmigi waa helnaye                   camalka noo toosi      

 

بسم الله الرحمن الرحيم

EREY BIXINTA SAGAALKA AH

Mahad aan la soo koobi kareyn  Allaah bay  u sugnaatay, nagu galladaystay garashada iyo caqliga lagu kala saarayo wanaagga iyo xumaanta, nagu galladaystay islaamka noogana dhigay Diin dhamaystiran oo nolosha aadanaha oo dhan maareysa, maareysa nolosha adduunka sida uu Allaah ka doonayo, sida uusan inala doonaynin iyo sida uu xaalku noqonayo godka iyo geeri ka dib.

Allaah waxa uu inoo soo diray kitaab (qormo) dhameystiran layskumana khilaafsana in kitaabkaa qur’aanka ah yahay kii Allaah uu Nabiga inoogu soo dhiibay (N.N.K.H). Kitaabkaas oo ku qoran afka carabiga.

﴿قُرْآَنًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِي عِوَجٍ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ﴾

Hasa yeeshee marka cilmi lagu baranayo luuqad aan taada ahayn waxaan laga maarmayn inaad samaysid erey bixin iyo in ereyadaas la qeexo,la cadeeyo si loo fahmo ujeedadooda.haddaba waa halkaas meesha aan  laysku fahmeyn ama laysku fahmi la’yahay, iyadoo Islaamkii la wada sheeganayo haddana aan laysku fahmeyn sidii loogu wada dhaqmi lahaa.

Waxaa jira sagaal erey oo haddii aan loo fahmin sidii ay u fahamsaneyd carabtii xiligii Nabiga joogtay aanay suuro gal ahayn in loo fahmo hadafka dhabta ah ee dacwada (baaqa) Islaamka ama la garto waxa uu yahay dhab ahaan.

Waxaan halkaan si kooban ugu caddeynaynaa ereyadaas si qofkii Xaq doon ah uu uga faa’ideysto. Hadafka (baaqa) Islaamka marka qofka loogu yeerayo Towxiidka (التوحيد) iyo sida qur’aanka u soo dhigay ereyadaas,kuwaasoo kala ah:

  • ILAAH.
  • ALLAAH.
  • RABBI.
  • DAAQUUT.
  • CIBAADO.
  • ISLAAM.
  • IIMAAN.
  • DIIN.
  • SHIRKI.

(1) Hadaad caarif tahaygabayga baan,      cudur ka muuqdeene

(2) Cibaarooyin naafaysanoo culus,           ma keenteene

(3) Calas baad maleysaye dadkii,              calowga sheeg sheegye

(4) Caana dhay ah kii lagu habaa,             ciirta qabanwaa e

 

(5) Inaad “cay” ku shiikh tahayse waa,        la citiraafaa e

(6) Ceebo loo tartamo iyo markay,              casinimo joogto

(7) Inaan cidi ku gaareynin baa,                  la carrifaayaa e

(8) Calankow siddaa baa layiri,                    ciidankaad tahay e

 

(9) Aniguna codkiinaan rabaa,                       inuu caddaadaa e

(10) Caliim waa awoodaa inuu,                      cudur ku zuulaa e

(11) Cilmi laysu sheegiyo xiwaar,                   waad kacarar teene

(12) Caynka gabaygu “cawil” how noqdee       yaan la caajisine

 

(13) Xaqa waa cadeeyaye adaa,                   cay u jeensadaye

(14) Adaa ceebo doonee dadkii,                    maqal codkaygiiye

(15) Ma caddaalad falo ruux hadduu,              ciil xun kuu qabo e

(16) Inaannaan culuum qarinahayn,                 caarif wow tahaye

 

(17) Cajal duubnayaa ama kitaab,                 ugu caddayn naaba

(18) Ama bayt camiranoo masjida,               casharra dhiibnaaba

(19) Waa cibaado nagu waajibtoon,              cid uga yaabayne

(20) Bal maxaad la cadanyoon xaqaan,           ciidan kii nahaye

 

(21) Hays cabeebin cay laguma helo,               caano iyo khayre

(22) Hana cararin waa “diin” waxaad,              cadow sanaysaaye

(23) Cariiqsigu wuxuu kaa ridaa cal,                  iyo buur dheere

(24) Wax caddayso maantaad adduun,           caga ku haysaa e

 

(25) Caqiidadu haddey leexataan,               camal samaanayne

(26) Cilmiguusan garan jaahil baa,               cay ku qaabila e

(27) Isagaa is cirib goyn intuu,                     caabiddiin duri e

(28) Cinda llaahi baa looga ridi,                   meel ciriiriya e

 

(29) Ma caroonno juhaladu hadday,                nagu cayaaraane

(30) Runta baan caddaynnaa markey,            caytama hayaane

(31) Kuwo ceelal noo qodahayaan,                casharra siinnaa e

(32) Oo calool samaannaa hadday,                ku cafimaadaane

 

(33) Cadow baa na soo galay markaad,        caammada usheegi

(34) Anaa ciidda kaa xiga markaad,                soo celcelinaysid

(35) Sidii aan cid kaa dilay markaad,               ciil galgalanaysid

(36) Waa cashiiradee reerahaad,                   igu cabsiinaysid

 

(37) Adigaaba cadowgaa batoo,                    caafimaad rabeye

(38) Adaa cudud laguu sheeg tayoo,                ciirsanoo jabane

(39) Caday kaama sidannee maxaad,             caawa nagu maagtay

(40) Caabiddiin maxaa kugu salladay,             caasiyaal badane

 

(42) Cawa bari mamoodeen shirkiga,         cududda weyn sheegtay

(43) Citiqaadka niman kii ka lumay,                lama cunteeyeene

(44) Cilaaqaatka uma xoojiyeen,                 kii cilmaaniya e

(45) Xunufaada cadow soo galiyo,                colal ma moodeene

 

(47) Ceebo aan ilaahay ku ridin,                  kuma u caayeene

(48) Sidii camar abuu jahal intaa,                  col uma joogeene

(49) Curaddada tolkaa maalintaad,               cara u leyneysey

(50) Cilmigee ku dirirteen ragbaa,                kuugu ciil qaba e?

 

(52) Oo cilmaad daboosheen markaad,        cudud u weydeene?

(53) Ma ciddoo islaamaad sidii,                  cadaw gumaadeysey?

(54) Sow khawaarij camlkeedi iyo,               carashadeed maaha?

(55) Mase waa carruur dhiriftay iyo,               jirri colaaddeede? 

 

(57) Cayn walbaba la moodyow adaan,         caga sugnaanayne

(58) Caqiidada midda ahayd adaa,                cadad u googoyne

(59) Hadba calan ka meel surahayoo,            casarba meel geyne

(60) Caammadi wareertaye maxaad,             caawana usheegi?

 

(61) Maantana camiil maad u tahay,               duul cilmaaniya e?

(62) Rabbi qeyrki kuwo caabudaad,                u cudur daartaane

(63) Rag towxiid u ciidaminayaad,                  cadow sanaysaane

(64) Cudurkiina kii garanayaad,                    ka cararaysaane

 

(65) Masjidkaad col mooddeenna waa,           ceeb horloo timide

(66) Waa cajaa’ib iyo yaab waxaad,                la cartameyseene

(67) Cirifyada magaalada la yaab,                ciririq diinnii e

(68) Cad miyaad wadaagtaan “Abraha”,       ciidan kuu wadeye?

 

(69) Nin casiis la meel yahay ayaan,                laga cid roonayne

(70) Xaqa niman u ciidaminhayuu,                  Caalim soo diraye

(71) Cindallaahi baa laga fashilay,                  caasigii shiraye

(72) Annagunaa cibraan baran nay iyo,          cadowga qaarkiise

 

(73) “Ciso” baan ka qaadnaa markaad,            cayda badisaane

(74) waa taa carruuruhu arkeen,                     cudurradiinnii e

(75) Culumaa ku sheeg baa la yimid,                talada ceeriine

(76) kuwo maduxu cawsoobey baa,                ceebahaa dhigaye

 

(77) Ninka “Bayt” cammiran oo masjida,          col u qal qaalaaya

(78) Cod walboo kasoo yeera waa,                ii dhurwaa ciyeye

(79) Wacdigiyo canaantiyo hadduu,                caafiyada diido

(80) Calooshaba ka goo waxaan ahayn,           kagama ciil beelo

 

(81) Cilmigay qarshaan waydinkii,                waa ku caytamaye

(82) Maantaan caddaynaye maxaa,             cudurka loo qaaday?

(83) Sida caamma dhega weyn maxaa,        carada loo muujey?

(84) Cabbaar yara an hadalnee maxaa,        culumo loo waayey?

 

(85) Gaalnimo caqiidooyin iyo,                      camallo weeyaane

(86) Calaamado cilmigu sheegayoo,               laga cabsoodaaye

(87) Ninkii carrasamaad mooda oo,                caasha geliyaaba

(88) Cinda llaahi waxa loo yaqaan,                caasi iyo gaale

 

(89) Ruux lama cayimin ee sifuu,                  ku callaq naadaaye

(90) Cidna lagama leexinahayee,                  arrintu waa caame

(91) Cafin waa ka xaaraan shirkiga,              caasigii gala e

(92) Anbiyada cilmiga keentay waa,             ka cabsanaayeene

 

(93) Caasiyada kufriyeyoo Ilaah,                caradi raacayso

(94) Camalkoodu baaba’ay haddaan,          diirka ka caddeeyo

(95) Kuwa Ciise caabudahayiyo,                Cali abii daalib

(96) Cabdulqaadir jaylaani iyo,                  culumadii diinta

 

(97) Cidda odayadeedii horiyo,                   niman cafaariida

(98) Qubuuraha cukuufaaya  oo,                  cood ka jirinaaya

(99) Cilmaaniyadu niman kay u tahay,            caado loo bogey e

(100) Cilmigii qur’aankiyo kategey,                camalki diineede

 

(101) Kuwa diinta ceebeeya oo,                   caaya Nebigeenna

(102) Nin walboo an cadaw moodahayn,         gaalka caasiyeye

(103) Ama qaar cawaansanahayoo,               cizo ka doonaaya

(104) Baraa’ada ka caajisay markay,             wax u caddaadeene

 

(105) Cindi gaabku wow bogahayaa,                camalladiisaase

(106) Isagoo caqiidadi lunshuu,                      khayr cabbirayaaye

(107) Cilmi doonan maayiyo maxaa,                loo cuskanayaa e

(108) Caadada ka guur waxey la tahay,                cara ilaahaye

 

(109) Caarifkii hanuuninahayuu,                   cadowgi moodaaye

(110) Ceebo kuuma wayiyo inuu,                 beenta curiyaa e

(111) Camar iyo cuqbiyo waa waliid,            camalladoodiiye

(112) Caasi waail kiishaabbahaa,                ciribti waa hooge

 

(113) Cibaadada siyaam kiyo markii,                ciid la filanaayo

(114) Cadli ama cadleyn baa shardaya,              oo cilmiyo diine

(115) Ama soddon cawiyo waa adoo,            caddadka buuxshaa e

(116) Cirka eegta mooyee ma maqal,               Carabta waydii e

 

(117) Cunsur looma leexshee allaa,                laga cabsoodaa e

(118) Xaaraan intay wada cunaan,                ciidna lagu sheego

(119) Caawaday kulaba tahay hadday,          curashadii diiddo

(120) Caadna muuqanayn sow wadaad,         ceebi kama raacin

 

(121) Waa cajaaib iyo yaab inaad,              kala codlaysaane

(122) Ciiryaamo iyo haysku qarin,               ciiro iyo qiiqe

(123) Caqli celinta aan kuu dhigiyo,              maqal canaantayda

(124) Cilladdaadu kuu muuqataye,                caafiyada doono

 

25/10/1426 Hijriyah

8) Shirkiga:

1- haddii aan “Ishraak” kuu fasiro,             aafo waysaga e

amar diiddo weeyiyo adoo,                   dhega adkaadaa e

adigoon addeecayn “Ilaah”,                   amarradiisii e

ku arrimiya aaraa’ dad iyo,                     odayo xeerkoode

 

2-   ama waa awood laga ag dayo,          midaan itaal hayne

awoowiyo ashyaakh iyo adoo,             awliyada tuuga

awood muuqatiyo laguma arag,            waxay abuureene

idinna looma haystee maxaa,             nimanka loo aaday

 

3- “Uumaha” Ilaaheenna baa,               loo addoon yahay e

Andaad looma yeeliyo insaan,            amarki joogaa e

Adoo aayad kuu timid ha dhugan,      niman aqwaashoode

Ilaah iyo addoon wada addeec,          waa ishraaggaba e

 

4- Axadkii intaa lagu ogyahay,                    ma laha iimaane

“islaamnimo” ka guuryoo makhluuq,        buu Ilaahsadeye

“Ilaah” loogu yeeriyo qur’aan,               amarki mooyaane

waxba yaan addoonkaa la sirin,                iiley waa hore e

Rumeynta Kutubta:

1- kii aan kitaabbada rumayn,              kaafir buu noqone

Qur’aankaa kariimka ahna waa,        ugu korreeyaa e

kufrigii kitaabbada galuu,                 ka warramaayaa e

kala saare weeyoo wixii,                  kadiba noo sheegye

 

1- kelmed iyo macnaba uunka waa,       kii ka yaabiyeye

karti iyo karaan uma lahoo,               keeni kari waaye

kelmadaha kuwii toosin jirey,            buu kasbaday waa e

        kulligoodna waa qirahayeen,            inu korreeyaa

Rumeynta Rususha:

1- Anbiyaduna aayada Allay,                   ku ayidnaayeene

Aadane la diray weeye iyo,                  duul la aamineye

Ictiqaad saliimiyo axkaam,                  bay akhriyayeene

Islaamnimada loo uumay bay,            uunka barayeene 

 

2- Muusa baa alwaax loogu dhigay,        ereyo Tawraade

Injiiliyo Furqaaniyo Zabuur,                 waa la aamini e

Rabbi weeye aayadihi iyo,                    amarradiisii e

Axadkii ka iishaana waa,                     ehela naareede

 

3- ruux aan risaalada rumeyn,                raacyey gaalada e

rag la diray rusushu weeye iyo,          duul Ilaah rabey e

mid waliba runtii buu u sidey,             reeruhuu yahaye

Rabbi raaca keligii shirkina,                reeba buu yiri e

 

4- mid waliba rafaad buu maroo,             reero la collowye

dadku ru’asadoodii luntay ,                 tala ku raaceene

ra’yi xumi la eedyoo ku dhece,            raranka naareede

runtay diidayeen bay jannadi,             rug uga waayeene

 

5- Risaalada rasuulkeenna baa,               raacitaan mudane

Reera gaara lama siinnin ee,               waa raxma Ilaahe

Raad go’ina maysoo inay,                    raagi baa dhigane

Rag rumeeya lama waayayoon,           cidi ka raynayne

 

1 2 3 10