{qaybta 2aad darsigii ahaa: Sidee “Diinta xaqa” ah looga lumi jirey?}
2) Macnaha labaad: (Hoggaansamidda, iyo addeecidda)
1)- Hoggaansamidda, iyo addeeciddu, waxay ku xiran yihiin, hadba awoodda la rumeeyo,oo la aqoonsan yahay.
Mar hadduu qofku Hoggaansamo, oo cid addeeco, waa khasab in hoggaansamidda, iyo addeecidda uga horreysey, aqoonsi iyo rumayn uu awooddiisa rumeeyey.
Dadkuna laba nooc oo awoodo ah, bay aqoonsadaan, oo rumeeyaan. Waxayna kala yihiin sidii aan soo sheegay :
a) Awood si qarsoon, oo aan asbaabaha ku xirrayn, u shaqa geleysa, dadkana soo gaarsiin karta khayr, iyo shar labadaba.
Taana waxay ka rumeeyaan: malaa’ikta, jinka, nabiyada, iyo dad saalixiin ah, oo mar hore dhintay. Sida badanna waxay rumeeyaan, inay tahay awood uu bixiyey Rabbiga weyn ee sare. Ka dibna waa loo hoggaansamaa, waana la isu dulleeyaa.
Qaababka ay hoggaansamiddu, iyo is dulleyntu u dhici jirteyna waa:
“u sujuudid, baryo iyo gargaarsi, xoolo u gowricid, iyo sawirka laga qoray ama qabrigiisa, oo la dul gabrado, ama lagu dawaafo iwm”.
Qur’aanku sida uu ula hadlayna waa sidatan oo kale:
“awoodda aad ku malayseen, waa been, oo awood u gaara ma leh. Sidaa darteed ficillada aad u samaynaysaan, uguna hoggaansamaysaan, uguna dulloobeysaan, waa gaf, waana xaq uu lahaa Rabbiga idinka iyo iyagaba abuuray, oo aad u leexinaysaan qeyrki.
Mar inaad “Allaah” wax ugu hoggaansantaan, marna aad addoomadiisa wax ugu hoggaansantaan, waa “wax isugu darid”, iyo wax wadaajin (شرك) aad “Allaah” iyo qaar ka mid ah addoomadiisa ka dhexaysiinaysaan.
Waana danbi aad u weyn, oo aad ku mutaysanaysaan cadaab lagu waaro, haddaydinnaan ka tawbad keenin, oo aydinnaan u soo laaban, u khaalis yeelidda u hoggaansanka, iyo isu dulleynta Rabbiga wax abuuray, awooddoo dhanna keligi lahaa”.
﴿يَا أَيُّهَا النَّاسُ اعْبُدُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ. الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ فِرَاشًا وَالسَّمَاءَ بِنَاءً وَأَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجَ بِهِ مِنَ الثَّمَرَاتِ رِزْقًا
لَكُمْ فَلَا تَجْعَلُوا لِلَّهِ أَنْدَادًا وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ﴾ (البقرة:21-22)
-﴿وَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ كَمَا بَدَأَكُمْ تَعُودُونَ﴾ (الأعراف:29)
-﴿فَادْعُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ﴾ (غافر:14)
-﴿هُوَ الْحَيُّ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ فَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ﴾ (غافر:65)
-﴿فَإِذَا رَكِبُوا فِي الْفُلْكِ دَعَوُا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ فَلَمَّا نَجَّاهُمْ إِلَى الْبَرِّ إِذَا هُمْ يُشْرِكُونَ﴾ (الروم:65)
-﴿إِنَّا أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ فَاعْبُدِ اللَّهَ مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ. أَلَا لِلَّهِ الدِّينُ الْخَالِصُ﴾ (الزمر:2-3)
-﴿قُلْ إِنِّي أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ اللَّهَ مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ. وَأُمِرْتُ لِأَنْ أَكُونَ أَوَّلَ الْمُسْلِمِينَ. قُلْ إِنِّي أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّي عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ. قُلِ اللَّهَ أَعْبُدُ مُخْلِصًا لَهُ دِينِي. فَاعْبُدُوا مَا شِئْتُمْ
مِنْ دُونِهِ﴾ (الزمر:11-15)
-﴿وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنْفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَؤُلَاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللَّهِ قُلْ أَتُنَبِّئُونَ
اللَّهَ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى عَمَّا يُشْرِكُونَ﴾ (يونس:18)
-﴿وَلَا تَدْعُ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنْفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَ فَإِنْ فَعَلْتَ فَإِنَّكَ إِذًا مِنَ الظَّالِمِينَ. وَإِنْ يَمْسَسْكَ اللَّهُ بِضُرٍّ فَلَا كَاشِفَ لَهُ إِلَّا هُوَ وَإِنْ يُرِدْكَ بِخَيْرٍ فَلَا رَادَّ لِفَضْلِهِ يُصِيبُ بِهِ مَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَهُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ﴾ (يونس:106-107)
b) Nooca kale ee ah, awoodo ay dadku aqoonsadaan, oo rumeeyaan, waa midda loo aqoonsado, boqorrada ummadaha ugu taliya jideyn ay iyagu degsadeen, oo aan laga qaadan kitaabka “Allaah”
Iyo tan loo aqoonsado, ninka caalimka ah, marka sharka iyo khayrkaba uu farayo.
Boqorka wuxuu qofku u raaco, waa baqdin uu ka baqayo, dhibaato xaggiisa uga timaadda, hadduu raaci waayo. Ama waa faa’iido uga soo laabanaysa oo uu ka rajeynayo. Ama midna ma ahee wuxuu is leeyahay; isku duubnida danta guud; iyo sharafta qabiilka ama qaranka baa ku jirta.
Ninka caalimka ahna; marar badan wuxuu gaaraa; awood uusan boqorku gaarin, reer Yurubku waxay soo mareen xilliyo, ay wadaaddadu ka awood badnaayeen boqorrada, oo ay dhici jirtey erey uu wadaadku yiri, inay la liiqliiqato; boqortooyo xoog lahayd, waxayna ku noqon jirtey, mid aan laga soo kaban karin; haddii aan wadaadka la raalli gelin.
Markay ugu yar tahay wuxuu qofku u raacaa wadaadka oo gafaya, waa isagoo is leh: “malaha cilmi aadan ogeyn, buu og yahay”. Ama is leh: “carada culamada ha isku soo jiidin, yaan Rabbi kuu caroone”. Ama qofku wuxuu ka baqayaa; hadduu culamada hadal ku celiyo, inuu ku dhex ceeboobo bulshada iyo qaraabada. Taana waa awood macnawi ah.
Haddaba boqorka – madax weynaha – iyo ninka caalimka ah, waa loo hoggaansamaa – la caabudaa – oo loo dulloobaa. Qaabka lagu caabudana waa:
“wuxuu jideeyo ee khilaafsan kitaabka Allaah, oo lagu raaco; laguna dhaqmo”.
Dadka sidaa u lumay, wuxuu qur’aanku ku yiri, hadallo la macna ah:
– wax jideynta Rabbiga cidda wax loo jideynayo iska lahaa; baa u xaq leh in looga danbeeyo.
– Kuwa aad raacdeen jideyntooda; waxay idiin yihiin ilaahyo, iyo rabbiyo ka sokeeya Rabbiga weyn.
– Idinkuna waxaad noqoteen wadaajiyeyaal “مُشركين ”.
– Haddii aydinnaan ikhlaaska u soo noqonna Naarta dhexdeeda baad isku haaraami doontaan.
-﴿وَلَا تَأْكُلُوا مِمَّا لَمْ يُذْكَرِ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ وَإِنَّهُ لَفِسْقٌ وَإِنَّ الشَّيَاطِينَ لَيُوحُونَ إِلَى أَوْلِيَائِهِمْ
لِيُجَادِلُوكُمْ وَإِنْ أَطَعْتُمُوهُمْ إِنَّكُمْ لَمُشْرِكُونَ﴾ (الأنعام:121)
-﴿قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلا نَعْبُدَ إِلا اللَّهَ وَلا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا
وَلا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ﴾ (آل عمران:64)
-﴿وَلا يَأْمُرَكُمْ أَنْ تَتَّخِذُوا الْمَلائِكَةَ وَالنَّبِيِّينَ أَرْبَابًا أَيَأْمُرُكُمْ بِالْكُفْرِ بَعْدَ إِذْ أَنْتُمْ مُسْلِمُونَ﴾ (آل عمران:80)
-﴿يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَأَرْبَابٌ مُتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ. مَا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِهِ إِلا أَسْمَاءً سَمَّيْتُمُوهَا أَنْتُمْ وَآَبَاؤُكُمْ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ بِهَا مِنْ سُلْطَانٍ إِنِ الْحُكْمُ إِلاّ لِلَّهِ أَمَرَ أَلاّ
تَعْبُدُوا إِلاّ إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ. يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَمَّا أَحَدُكُمَا فَيَسْقِي رَبَّهُ خَمْرًا وَأَمَّا الآَخَرُ فَيُصْلَبُ فَتَأْكُلُ الطَّيْرُ مِنْ رَأْسِهِ قُضِيَ الأَمْرُ الَّذِي فِيهِ تَسْتَفْتِيَانِ﴾ (يوسف:39-41)
-﴿اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا
وَاحِدًا لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ﴾ (التوبة:31)
قال عدي بن حاتم: أتيت رسول لله صلى الله عليه وسلّم وفي عنقي صَلِيب، فقال: “يا عدي ألْقِ هذا الوثَنَ من عنقك”، وانتهيت إليه وهو يقرأ سورة براءة حتى أتى على هذه الآية: “اتخَذُوۤا أَحْبَـارَهُمْ وَرُهْبَـانَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ ٱللَّهِ” قال: فقلت: “يا رسول الله إنا لم نتخذهم أرباباً”، قال: “بلى، أليس يُحِلُّون لكم ما حرم عليكم فتحلونه ويحرمون عليكم ما أحل لكم فتحرمونه؟”. فقلت: “بلى”. قال: “فتلك عبادتهم”. (أحمد والترمذي)
– Markuu Nabigu –صلى الله عليه وسلم– Cadey bin Xaatim ku akhriyey aayaddaa sheegeysa, inay culamada rabbiyo ka dhigteen, buu yiri: “kama annaan dhigan rasuulkii Allow!!”.
– Markaa buu ugu jawaabey: “waad ka dhigateen.. sow idiinma xalaaleeyaan; wuxuu Allaah idinka xarrimay, idinkuna ma xalaalsataan, oo idinkama xarrimaan; wuxuu idiin xalaaleeyey, idinkuna ma xarrimtaan?. ”
– Wuxuu yiri: “haa”.
– Wuxuu yiri: “waa taa caabudiddoodu”.
قال أبو البختري: “أما أنهم لم يصلوا لهم، ولو أمروهم أن يعبدوهم من دون الله ما أطاعوهم، ولكن أمروهم فجعلوا حلال الله حرامه وحرامه حلاله؛ فأطاعوهم فكانت تلك
الربوبية.”
– Wuxuu yiri: (uma ayan tukan, hadday fari lahaayeenna kama ayan yeeleen, wayse fareenoo xalaashii Allaah bay xaaraan uga dhigeen, xaaraantiisiina xalaal uga dhigeen,say waa ku addeeceen. Rabbinnimaduna waa taa.)
وقال الربيع بن أنس: قلت لأبي العالية: كيف كانت تلك الربوبية في بني إسرائيل؟ قال: كانت الربوبية أنهم وجدوا في كتاب الله ما أُمروا به ونُهوا عنه فقالوا: لن نسبق أحبارنا بشيء؛ فما أمرونا به ائتمرنا، وما نهونا عنه انتهينا؛ لقولهم: فاستنصحوا الرجال، ونبذوا كتاب الله وراء ظهورهم”
Wuxuu yiri: (Abul Caaliya – waa taabici – baan ku iri: “sidee bay ahayd rabbinimada reer banii Israa’iil ka jirtey?”.
Wuxuu ku jawaabey: “waxay ahayd, iyagoo kitaabka Allaah ka helaya, wixii la faray iyo wixii laga reebay, bay yiraahdeen: culamadayada ka hor mari mayno, ee waxay na faraan baan fartoomeynaa, waxay naga reebaanna hadalkoodaan uga joogsanaynaa. Sidaa bay rag uga waana qaateen, kitaabkii Allaahna dhabarradooda ka tuureen.” )
2)- waxaa la is weydiin karaa, addeecidda aadanaha ee Diin ka baxa ah, xad lagu garto ma leedahay?.
Jawaab: Midda Diin ka baxa ah, ma aha addeecid oo dhan, ee waa: “wax uu Allaah jideeyey, faray ama reebay, oo aad ku addeecaysid markii laguu jideeyo khilaafki.” Waa taa midda ah: “Diin ka bixid, Rabbi samaysi, Ilaah kale samaysi, iyo Daaquud raacid”
3)- waxaa kaloo la is weydiin karaa, jebinta uu qofku jebiyo amar uu Allaah faray, ma Diintuu uga baxayaa, hadduu ku jirey markii hore?
Jawaab: Amar jebinta, iyo khilaafidda kitaabku, waa saddex darajo:
1. Mid waa diidmo qayaxan: waana dhawr qaab:
a) Bulshada ama qofka oo yiraahda: “yeeli maayo”, sidii tii Ibliis.
b) Dastuur la degsado, oo kitaabka hal meel ama ka badan ku khilaafsan.
c) Wixii kitaabku reebayey oo la faafiyo, inuu yahay wax fiican oo aan laga maarmi karin. Sida kuwa qaawanaanta dumarka, iyo is dhex galka ragga iyo haweenka u yaqaan: “ilbaxnimo”, “fan”, iyo “reer magaalnimo” iwm.
2. Waa qofka oo danbiga ku dhaca, isagoo og inuu danbaabey, dibna uga baqaya in Rabbi ku cadaabo. Waa sinbiririxasho aan xalaalsi ahayn. Kaa Diinta uga bixi mayo. Hadduu yahay danbi ciqaab lehna, adduunkaa lagu ciqaabayaa, dahiridna waa u noqonaysaa.
3. Waa qofka oo danbiga ku dhaca, isagoo aan ogeyn inuu denbi yahay, cilmi la’aan darteed, ama si qaldan wax u ta’wiishada. Kaana hadduusan cilmi dalabka ka gaabin, cudurdaar buu leeyahay.
Si aad u akhrisato qaybta saddexaad ee casharkaan halkaan riix insha allaah
بسم الله الرحمن الرحيم
حكمةُ الجمعة
ـ (فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ) (الزخرف:54)
ـ (إِنَّ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَجُنُودَهُمَا كَانُوا خَاطِئِينَ) (القصص:8)
ـ (فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ فَانْظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الظَّالِمِينَ) (القصص:40)
ـ (وَإِذْ يَتَحَاجُّونَ فِي النَّارِ فَيَقُولُ الضُّعَفَاءُ لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنْتُمْ مُغْنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِنَ النَّارِ. قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُلٌّ فِيهَا إِنَّ اللَّهَ قَدْ حَكَمَ بَيْنَ الْعِبَادِ) (القصص: 47-48)
وفي الصحيحين: (يَجْمَعُ اللَّهُ النَّاسَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَيَقُولُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ شَيْئًا فَلْيَتَّبِعْهُ فَيَتْبَعُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ الشَّمْسَ الشَّمْسَ وَيَتْبَعُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ الْقَمَرَ الْقَمَرَ وَيَتْبَعُ مَنْ كَانَ يَعْبُدُ الطَّوَاغِيتَ الطَّوَاغِيتَ) (مُتّفقٌ عليه)
________________________________________
-Daaquut kufriyey iyo midkii, daba galoo raacay
-Rabbigeen doc buu wada marshoo, wax isma doorshaane
-Ninka kala duwaayow Allaad, dirir ku haysaaye
-Hadduu doqon jiraba sow adigu, uma darraaneysid
________________________________________
Allaah waa khaaliqul makhluuq (aduunkaan ahaaday kii ahaysiiyay) ayaa ALLAAH ah.
Oo carabtu ALLAAH way garanayeen oo wuxuu ALLAAH inoo sheegay haddii lawaydiiyo cirka iyo dhulka yaa abuuray ALLAAH bay lahaayeen.
﴿وَلَئِنْ سَأَلْتَهُمْ مَنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ الْعَزِيزُ الْعَلِيمُ﴾
Markaa ayaa la lahaa ALLAAH kaligii ka dhigta ILAAH oo ah ALLAAH kaligii u hogaansama oo ah ALLAAH kaligii ka qaata, Qawaaniinta, Talada,
Xeerarka, Dhaqanka iyo hab nololeedka oo dhan. Oo ah wixii uu ku faray ku dhaqan, Ka diin dhigo, wixii uu kaa reybayna ka tag kana fogow. waxaad arkaysaa in qur’aanku ay ku caddahay in laga weydiin jiray mushrikiinta wax koonka ka mid ah mulkigiisa, lahaanshihiisa iyo abuuristiisa marwalbana ay ku jawaabayeen ALLAAH .Mana aysan ku jawaabi jirin RABBI ama ILAAH. markaas ayaa la lahaa Allaha aad u qireysaan mulkiyada koonkaan, abuuridiisa iyo lahaanshihiisa Allahaas Ilaah ka dhigta.waxayna u fahmayeen inay la micno tahay hogaamiye ka dhigta, xeer dajiye ka dhigta, dhaqankiisana raaca, wayna diidanaayeen.Cid aan isaga ahayna haka qaadan hab nololeedka taasoo ah LAA ILAAHA ILLALAAH
{ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ}
Haddii ay dhibaato timaado isaga gargaar waydiiso cid aan isaga ahayn dhib kaama qaadi karto dheefna kuuma keeni karto saa awgeed kaligii ILAAH ka dhigo oo ka dhigan kaligii hogaamiye ka dhigo,Taliye ka dhigo,xeer aan xeer kiisa ahayna haku dhaqmin, saas ayay u garanayeen carabta, markii la lahaa dhaha LAA ILAAHA ILLALAAH
{لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ}
Waxa ay garanayeen waxa ka dhalanaya waanay diidanaayeen ereygaas liibaantu ka dambeyso .{ قولوا لا إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ تفلحوا}
(1) | Mawlihii ku uumiyo haddaad | muxamad raacaysid |
(2) | Oo aad muwaxid tahay waa ilaah | mahadintiisiiy e |
(3) | Mushrik kii ku Oranaaya baa | Seegay marinkiise |
(4) | Isagaana kaa mudan inuu | Magacu raacaa e |
(5) | waxse maanka galiwaayay baa | Maalmahaan dhacay e |
(6) | masjid muuqanayoo Illaah, | Magaci loo taagay |
(7) | Xumi loo maleegaayo Ibliis, | Marinkii weeyaan e |
(8) | Muslim laguma arag gaalse waa | laga maleeyaa e |
(9) | Abrahii Maroodiga watay | Maqallay Taariikh e |
(10) | iyo kii masaarida dhiboo | Riday madaafiic e |
(11) | Mufsidkii kibraayaba allaa | Maalin soo rida e |
(12) | Iskumariya taariikhdu waa | Lagama maarmaane |
(13) | Macna aanan garanaynin baa | loo mintidayaa e |
(14) | Mooryaanta baa lagu Ogaa | Mahadha ceebeed e |
(15) | Maryahaa Caddaadaye Qalbiga | Waad ka mirirteen e |
(16) | Is miyiriya Yaan Mowlahay | idin Musiibeyn e |
(17) | Murtadkiyo masiixiga Kufriyey | Uma midowdaan e |
(18) | Mulxid lumey hadduu yahay Arlada | wayska marayaa e |
(19) | Mudug Uma raraysaan Intaad | meel ka noqotaan e |
(20) | Masjidkiyo maxaa idinku direy | Muwaxiddiintiisa |
(21) | Mad-habkii walaalkaa haddaad | Meel ka garan weydid |
(22) | Adigoo muftiga reerka iyo | MucallimKoodii ah |
(23) | Minbar lagama Caytamo Xaq baa | Lamatalaayaa e |
(24) | Lama maago Aadmiga Nimaan | Maaddo kaa wadan e |
(25) | Murti malaha Xaajada nin kaan | Marag uyeeleyn e |
(26) | Munaadara Cilmi ah baa Haboon | lays maqlahayaa e |
(27) | Haddii aadse madal Laga hadliyo | Muranka diideysid |
(28) | Aan Mubaahaloonee arlada, | Meel inoo bixiya |
ma caytamo “wadaadow” ninkii ceeb ka yaab ihiye
Markaan culumo idin moodno baad caammo noqtaane
Caabidiinta kaa maqan inaad caydo waa halise
Ma caraatan baa lagu furaa ciidda Ramadaane
Cilmi haddii ad dheer tahay naflaha waa la celiyaaye
Cudur laguma sii beero iyo ciil an baxahayne
Colaad lama horkaco waa ibliis camalladiisii e
Casabiyiyo waa laga durkaa cido la maagaa e
Waa lagu cadaab mudanayaa been la curiyaa e
Xantu waa “cad” xaaraana iyo caasinimo weyne
Ciriiriga qabriga baa ku xiga cayshadda adduune
Hays cajabin wadaadow addoon caajisaa tahaye
Waa cashiira qura aadmigaad cida cidaysaane
Ciiddana “Cismaan” ma laha iyo cidaha qaar koode
Rabbi kii ku caabudahayaan cidi u diideyne
Cilmigii halkee idinka maray cajabe waa yaabe
Caqli aan cilmigu toosineyn waa cidloo kale e
Caalimkii habaabaa dad buu cala ka tuuraa e
Hadba calanki loo lulo ayay caamma dalabtaaye
Rabbiyow cidaha wow baqnaye caymi taladooda
Cilmi layska qariyaana waa camal yahuudeede
Cibaadada Ilaah looma rogo cayshad nololeede
Niman baaba casharkay dhigaan cood yar dhaafsada e
Iyagaa canaan weyn mutaye maa la soo celiyo
Cilmi iyo taqwiyo diin ninkii lagaga caal waayo
Inay talo la caariyi Ilaah caadil baa dhigay e
Goortay cuquubadu heshuu soo calaacaliye
Cibra qaata maantaad adduun caga ku haysaane
Caqiidada xaqa ah waa Ilaah caabud keligiise
Shirki “cayn” walbuu yahay inaad ka cafimaadaa e
Nebigii cadnaaniga ahaa la citiqaadaa e
Rabiyow cilmigi waa helnaye camalka noo toosi
بسم الله الرحمن الرحيم
EREY BIXINTA SAGAALKA AH
Mahad aan la soo koobi kareyn Allaah bay u sugnaatay, nagu galladaystay garashada iyo caqliga lagu kala saarayo wanaagga iyo xumaanta, nagu galladaystay islaamka noogana dhigay Diin dhamaystiran oo nolosha aadanaha oo dhan maareysa, maareysa nolosha adduunka sida uu Allaah ka doonayo, sida uusan inala doonaynin iyo sida uu xaalku noqonayo godka iyo geeri ka dib.
Allaah waxa uu inoo soo diray kitaab (qormo) dhameystiran layskumana khilaafsana in kitaabkaa qur’aanka ah yahay kii Allaah uu Nabiga inoogu soo dhiibay (N.N.K.H). Kitaabkaas oo ku qoran afka carabiga.
﴿قُرْآَنًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِي عِوَجٍ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ﴾
Hasa yeeshee marka cilmi lagu baranayo luuqad aan taada ahayn waxaan laga maarmayn inaad samaysid erey bixin iyo in ereyadaas la qeexo,la cadeeyo si loo fahmo ujeedadooda.haddaba waa halkaas meesha aan laysku fahmeyn ama laysku fahmi la’yahay, iyadoo Islaamkii la wada sheeganayo haddana aan laysku fahmeyn sidii loogu wada dhaqmi lahaa.
Waxaa jira sagaal erey oo haddii aan loo fahmin sidii ay u fahamsaneyd carabtii xiligii Nabiga joogtay aanay suuro gal ahayn in loo fahmo hadafka dhabta ah ee dacwada (baaqa) Islaamka ama la garto waxa uu yahay dhab ahaan.
Waxaan halkaan si kooban ugu caddeynaynaa ereyadaas si qofkii Xaq doon ah uu uga faa’ideysto. Hadafka (baaqa) Islaamka marka qofka loogu yeerayo Towxiidka (التوحيد) iyo sida qur’aanka u soo dhigay ereyadaas,kuwaasoo kala ah:
- ILAAH.
- ALLAAH.
- RABBI.
- DAAQUUT.
- CIBAADO.
- ISLAAM.
- IIMAAN.
- DIIN.
- SHIRKI.
(1) Hadaad caarif tahaygabayga baan, cudur ka muuqdeene
(2) Cibaarooyin naafaysanoo culus, ma keenteene
(3) Calas baad maleysaye dadkii, calowga sheeg sheegye
(4) Caana dhay ah kii lagu habaa, ciirta qabanwaa e
(5) Inaad “cay” ku shiikh tahayse waa, la citiraafaa e
(6) Ceebo loo tartamo iyo markay, casinimo joogto
(7) Inaan cidi ku gaareynin baa, la carrifaayaa e
(8) Calankow siddaa baa layiri, ciidankaad tahay e
(9) Aniguna codkiinaan rabaa, inuu caddaadaa e
(10) Caliim waa awoodaa inuu, cudur ku zuulaa e
(11) Cilmi laysu sheegiyo xiwaar, waad kacarar teene
(12) Caynka gabaygu “cawil” how noqdee yaan la caajisine
(13) Xaqa waa cadeeyaye adaa, cay u jeensadaye
(14) Adaa ceebo doonee dadkii, maqal codkaygiiye
(15) Ma caddaalad falo ruux hadduu, ciil xun kuu qabo e
(16) Inaannaan culuum qarinahayn, caarif wow tahaye
(17) Cajal duubnayaa ama kitaab, ugu caddayn naaba
(18) Ama bayt camiranoo masjida, casharra dhiibnaaba
(19) Waa cibaado nagu waajibtoon, cid uga yaabayne
(20) Bal maxaad la cadanyoon xaqaan, ciidan kii nahaye
(21) Hays cabeebin cay laguma helo, caano iyo khayre
(22) Hana cararin waa “diin” waxaad, cadow sanaysaaye
(23) Cariiqsigu wuxuu kaa ridaa cal, iyo buur dheere
(24) Wax caddayso maantaad adduun, caga ku haysaa e
(25) Caqiidadu haddey leexataan, camal samaanayne
(26) Cilmiguusan garan jaahil baa, cay ku qaabila e
(27) Isagaa is cirib goyn intuu, caabiddiin duri e
(28) Cinda llaahi baa looga ridi, meel ciriiriya e
(29) Ma caroonno juhaladu hadday, nagu cayaaraane
(30) Runta baan caddaynnaa markey, caytama hayaane
(31) Kuwo ceelal noo qodahayaan, casharra siinnaa e
(32) Oo calool samaannaa hadday, ku cafimaadaane
(33) Cadow baa na soo galay markaad, caammada usheegi
(34) Anaa ciidda kaa xiga markaad, soo celcelinaysid
(35) Sidii aan cid kaa dilay markaad, ciil galgalanaysid
(36) Waa cashiiradee reerahaad, igu cabsiinaysid
(37) Adigaaba cadowgaa batoo, caafimaad rabeye
(38) Adaa cudud laguu sheeg tayoo, ciirsanoo jabane
(39) Caday kaama sidannee maxaad, caawa nagu maagtay
(40) Caabiddiin maxaa kugu salladay, caasiyaal badane
(42) Cawa bari mamoodeen shirkiga, cududda weyn sheegtay
(43) Citiqaadka niman kii ka lumay, lama cunteeyeene
(44) Cilaaqaatka uma xoojiyeen, kii cilmaaniya e
(45) Xunufaada cadow soo galiyo, colal ma moodeene
(47) Ceebo aan ilaahay ku ridin, kuma u caayeene
(48) Sidii camar abuu jahal intaa, col uma joogeene
(49) Curaddada tolkaa maalintaad, cara u leyneysey
(50) Cilmigee ku dirirteen ragbaa, kuugu ciil qaba e?
(52) Oo cilmaad daboosheen markaad, cudud u weydeene?
(53) Ma ciddoo islaamaad sidii, cadaw gumaadeysey?
(54) Sow khawaarij camlkeedi iyo, carashadeed maaha?
(55) Mase waa carruur dhiriftay iyo, jirri colaaddeede?
(57) Cayn walbaba la moodyow adaan, caga sugnaanayne
(58) Caqiidada midda ahayd adaa, cadad u googoyne
(59) Hadba calan ka meel surahayoo, casarba meel geyne
(60) Caammadi wareertaye maxaad, caawana usheegi?
(61) Maantana camiil maad u tahay, duul cilmaaniya e?
(62) Rabbi qeyrki kuwo caabudaad, u cudur daartaane
(63) Rag towxiid u ciidaminayaad, cadow sanaysaane
(64) Cudurkiina kii garanayaad, ka cararaysaane
(65) Masjidkaad col mooddeenna waa, ceeb horloo timide
(66) Waa cajaa’ib iyo yaab waxaad, la cartameyseene
(67) Cirifyada magaalada la yaab, ciririq diinnii e
(68) Cad miyaad wadaagtaan “Abraha”, ciidan kuu wadeye?
(69) Nin casiis la meel yahay ayaan, laga cid roonayne
(70) Xaqa niman u ciidaminhayuu, Caalim soo diraye
(71) Cindallaahi baa laga fashilay, caasigii shiraye
(72) Annagunaa cibraan baran nay iyo, cadowga qaarkiise
(73) “Ciso” baan ka qaadnaa markaad, cayda badisaane
(74) waa taa carruuruhu arkeen, cudurradiinnii e
(75) Culumaa ku sheeg baa la yimid, talada ceeriine
(76) kuwo maduxu cawsoobey baa, ceebahaa dhigaye
(77) Ninka “Bayt” cammiran oo masjida, col u qal qaalaaya
(78) Cod walboo kasoo yeera waa, ii dhurwaa ciyeye
(79) Wacdigiyo canaantiyo hadduu, caafiyada diido
(80) Calooshaba ka goo waxaan ahayn, kagama ciil beelo
(81) Cilmigay qarshaan waydinkii, waa ku caytamaye
(82) Maantaan caddaynaye maxaa, cudurka loo qaaday?
(83) Sida caamma dhega weyn maxaa, carada loo muujey?
(84) Cabbaar yara an hadalnee maxaa, culumo loo waayey?
(85) Gaalnimo caqiidooyin iyo, camallo weeyaane
(86) Calaamado cilmigu sheegayoo, laga cabsoodaaye
(87) Ninkii carrasamaad mooda oo, caasha geliyaaba
(88) Cinda llaahi waxa loo yaqaan, caasi iyo gaale
(89) Ruux lama cayimin ee sifuu, ku callaq naadaaye
(90) Cidna lagama leexinahayee, arrintu waa caame
(91) Cafin waa ka xaaraan shirkiga, caasigii gala e
(92) Anbiyada cilmiga keentay waa, ka cabsanaayeene
(93) Caasiyada kufriyeyoo Ilaah, caradi raacayso
(94) Camalkoodu baaba’ay haddaan, diirka ka caddeeyo
(95) Kuwa Ciise caabudahayiyo, Cali abii daalib
(96) Cabdulqaadir jaylaani iyo, culumadii diinta
(97) Cidda odayadeedii horiyo, niman cafaariida
(98) Qubuuraha cukuufaaya oo, cood ka jirinaaya
(99) Cilmaaniyadu niman kay u tahay, caado loo bogey e
(100) Cilmigii qur’aankiyo kategey, camalki diineede
(101) Kuwa diinta ceebeeya oo, caaya Nebigeenna
(102) Nin walboo an cadaw moodahayn, gaalka caasiyeye
(103) Ama qaar cawaansanahayoo, cizo ka doonaaya
(104) Baraa’ada ka caajisay markay, wax u caddaadeene
(105) Cindi gaabku wow bogahayaa, camalladiisaase
(106) Isagoo caqiidadi lunshuu, khayr cabbirayaaye
(107) Cilmi doonan maayiyo maxaa, loo cuskanayaa e
(108) Caadada ka guur waxey la tahay, cara ilaahaye
(109) Caarifkii hanuuninahayuu, cadowgi moodaaye
(110) Ceebo kuuma wayiyo inuu, beenta curiyaa e
(111) Camar iyo cuqbiyo waa waliid, camalladoodiiye
(112) Caasi waail kiishaabbahaa, ciribti waa hooge
(113) Cibaadada siyaam kiyo markii, ciid la filanaayo
(114) Cadli ama cadleyn baa shardaya, oo cilmiyo diine
(115) Ama soddon cawiyo waa adoo, caddadka buuxshaa e
(116) Cirka eegta mooyee ma maqal, Carabta waydii e
(117) Cunsur looma leexshee allaa, laga cabsoodaa e
(118) Xaaraan intay wada cunaan, ciidna lagu sheego
(119) Caawaday kulaba tahay hadday, curashadii diiddo
(120) Caadna muuqanayn sow wadaad, ceebi kama raacin
(121) Waa cajaaib iyo yaab inaad, kala codlaysaane
(122) Ciiryaamo iyo haysku qarin, ciiro iyo qiiqe
(123) Caqli celinta aan kuu dhigiyo, maqal canaantayda
(124) Cilladdaadu kuu muuqataye, caafiyada doono
25/10/1426 Hijriyah
8) Shirkiga:
1- haddii aan “Ishraak” kuu fasiro, aafo waysaga e
amar diiddo weeyiyo adoo, dhega adkaadaa e
adigoon addeecayn “Ilaah”, amarradiisii e
ku arrimiya aaraa’ dad iyo, odayo xeerkoode
2- ama waa awood laga ag dayo, midaan itaal hayne
awoowiyo ashyaakh iyo adoo, awliyada tuuga
awood muuqatiyo laguma arag, waxay abuureene
idinna looma haystee maxaa, nimanka loo aaday
3- “Uumaha” Ilaaheenna baa, loo addoon yahay e
Andaad looma yeeliyo insaan, amarki joogaa e
Adoo aayad kuu timid ha dhugan, niman aqwaashoode
Ilaah iyo addoon wada addeec, waa ishraaggaba e
4- Axadkii intaa lagu ogyahay, ma laha iimaane
“islaamnimo” ka guuryoo makhluuq, buu Ilaahsadeye
“Ilaah” loogu yeeriyo qur’aan, amarki mooyaane
waxba yaan addoonkaa la sirin, iiley waa hore e
Rumeynta Kutubta:
1- kii aan kitaabbada rumayn, kaafir buu noqone
Qur’aankaa kariimka ahna waa, ugu korreeyaa e
kufrigii kitaabbada galuu, ka warramaayaa e
kala saare weeyoo wixii, kadiba noo sheegye
1- kelmed iyo macnaba uunka waa, kii ka yaabiyeye
karti iyo karaan uma lahoo, keeni kari waaye
kelmadaha kuwii toosin jirey, buu kasbaday waa e
kulligoodna waa qirahayeen, inu korreeyaa