Get Adobe Flash player
(1)  Mawlihii ku uumiyo haddaad  muxamad raacaysid
(2)  Oo aad muwaxid tahay waa ilaah  mahadintiisiiy e
(3)  Mushrik kii ku Oranaaya baa  Seegay marinkiise
(4)  Isagaana kaa mudan inuu  Magacu raacaa e
     
(5)  waxse maanka galiwaayay baa  Maalmahaan dhacay e
(6)  masjid muuqanayoo Illaah,  Magaci loo taagay
(7)  Xumi loo maleegaayo Ibliis,  Marinkii weeyaan e
(8)  Muslim laguma arag gaalse waa  laga maleeyaa e
     
(9)  Abrahii Maroodiga watay  Maqallay Taariikh e
(10)  iyo kii masaarida dhiboo    Riday madaafiic e
(11)  Mufsidkii kibraayaba allaa  Maalin soo rida e
(12)  Iskumariya taariikhdu waa  Lagama maarmaane
     
(13)  Macna aanan garanaynin baa  loo mintidayaa e
(14)  Mooryaanta baa lagu Ogaa   Mahadha ceebeed e
(15)  Maryahaa Caddaadaye Qalbiga  Waad ka mirirteen e
(16)  Is miyiriya Yaan Mowlahay   idin Musiibeyn e
     
(17)  Murtadkiyo masiixiga Kufriyey  Uma midowdaan e
(18)  Mulxid  lumey hadduu yahay Arlada  wayska marayaa e
(19)  Mudug Uma raraysaan Intaad  meel ka noqotaan e
(20)  Masjidkiyo maxaa idinku direy  Muwaxiddiintiisa                  
     
 (21)  Mad-habkii walaalkaa haddaad  Meel ka garan weydid
 (22)  Adigoo muftiga reerka  iyo  MucallimKoodii ah
 (23)  Minbar lagama Caytamo Xaq baa  Lamatalaayaa e
 (24)  Lama maago  Aadmiga Nimaan  Maaddo kaa wadan e
     
 (25)  Murti malaha Xaajada nin kaan  Marag uyeeleyn e
 (26)  Munaadara Cilmi ah baa Haboon  lays maqlahayaa e
 (27)  Haddii aadse madal Laga hadliyo  Muranka diideysid
 (28)  Aan Mubaahaloonee arlada,  Meel inoo bixiya