Get Adobe Flash player

{qaybta 3aad darsigii ahaa: Sidee “Diinta xaqa” ah looga lumi jirey?}

3)Macnaha saddexaad:(Sharciga iyo nidaamka)

1) Sharciga iyo nidaamkana sidaa oo kale; baa looga lumi jirey. Sababtuna waxaaweeye, labadaa macne bay sharci iyo nidaam dejintu; ku xiran tahay. Intaan la dejin sharcina; waxaan laga maarmi karin; in laysla meel dhigo jawaabta laba su’aalood: 

(tan hore) yaa awoodda sharci dejinta iska leh?.

(tan labaad) yaa naga mudan inaan u hoggaansanno?. 

Markii jawaabta saxda ah laga lumo, qolo walboo lunta; awoodda ay rumaysay; bay u hoggaansami jirtey, ugana danbayn jirtey dejinta sharciga iyo nidaamka nolosha. 

Sharcigaa qaabkiisu wuxuu ku xirraan jirey, hadba heerkooda aqooneed, iyo wasiilooyinka ay adeegsanayaan. Mar wuxuu ahaan jirey, wax korka laga qaybayo oo laysu tabinayo, lana dhaqan gelinayo. Marna wuxuu ahaan jirey; qoraal u diyaarsan sidii kitaab; oo la xurmaynayo; loona soo noqonayo oo lagu kala baxayo.

 

Taariikhda waxaa lagu xusaa, xeerkii qorraa ee la yiri; waxaa dejiyey; boqorkii Baabil ee la oran jirey “Xamuraabi”. 

Boqor walboo awooddiisa la hoos galo, loona hoggaansamo xeer waa isku deyi jirey, haba ku kala roonaadaane ilaalinta wixii lagu ballamay. 

Yahuuddu markay culamada si xad dhaaf ah u qaddariyeen, waxay u dejiyeen kitaabka loo yaqaan “Talmuud”, oo ay u xurmeeyaan; si ayan “Tawraat” u xurmayn. Waxaana ugu yaal wax badan oo ka hor imanaya kutubtii Rabbi soo dejiyey.  

Waxayse ummadihii waayadii hore lumi jirey, caan ku ahaayeen, inay sida badan waxa ay jideysanayaan, u nisbeyn jireen Allaah, ama waxa ay caabudaan si ay quluubta suldaan ugu yeelato. 

Qur’aanku wuxuu ku xusayaa; suuratul- ancaam, qaybaheeda danbe, iyo meela kale, waxyaabo ay jideysanayeen Carabtu ; misana ay u nisbaynayeen, in Allaah xaggi laga jideeyey. 

Oo taa waxaa la moodaa – inkastoo ay Rabbi ku been abuurteen – inayan gaarin xishood darrida; kuwa maanta wax jideeya, ee shareecada Rabbina dura; toodana amaana.  

-﴿وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آَبَاءَنَا وَاللَّهُ أَمَرَنَا بِهَا قُلْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ أَتَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ مَا
لَا تَعْلَمُونَ﴾ (الأعراف: 28)
 

-﴿وَقَالُوا هَذِهِ أَنْعَامٌ وَحَرْثٌ حِجْرٌلَا يَطْعَمُهَا إِلَّا مَنْ نَشَاءُ بِزَعْمِهِمْ وَأَنْعَامٌ حُرِّمَتْ ظُهُورُهَا وَأَنْعَامٌ لَا يَذْكُرُونَ اسْمَ
اللَّهِ عَلَيْهَا افْتِرَاءً عَلَيْهِ سَيَجْزِيهِمْ بِمَا كَانُوا يَفْتَرُونَ. وَقَالُوا مَا فِي بُطُونِ هَذِهِ الْأَنْعَامِ خَالِصَةٌ لِذُكُورِنَا وَمُحَرَّمٌ عَلَى أَزْوَاجِنَا وَإِنْ يَكُنْ مَيْتَةً فَهُمْ فِيهِ شُرَكَاءُ سَيَجْزِيهِمْ وَصْفَهُمْ إِنَّهُ حَكِيمٌ عَلِيمٌ. قَدْ خَسِرَ الَّذِينَ قَتَلُوا أَوْلَادَهُمْ سَفَهًا بِغَيْرِ
عِلْمٍ وَحَرَّمُوا مَا رَزَقَهُمُ اللَّهُ افْتِرَاءً عَلَى اللَّهِ قَدْ ضَلُّوا وَمَا كَانُوا مُهْتَدِينَ﴾
(الأنعام: 138-140) 

-﴿ثَمَانِيَةَ أَزْوَاجٍ مِنَ الضَّأْنِ اثْنَيْنِ وَمِنَ الْمَعْزِ اثْنَيْنِ قُلْ آَلذَّكَرَيْنِ حَرَّمَ أَمِ الْأُنْثَيَيْنِ أَمَّا اشْتَمَلَتْ عَلَيْهِ أَرْحَامُ الْأُنْثَيَيْنِ نَبِّئُونِي بِعِلْمٍ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ. وَمِنَ الْإِبِلِ اثْنَيْنِ وَمِنَ الْبَقَرِ اثْنَيْنِ قُلْ آَلذَّكَرَيْنِ حَرَّمَ أَمِ الْأُنْثَيَيْنِ أَمَّا اشْتَمَلَتْ عَلَيْهِ أَرْحَامُ الْأُنْثَيَيْنِ أَمْ كُنْتُمْ شُهَدَاءَ إِذْ وَصَّاكُمُ اللَّهُ بِهَذَا فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَى عَلَى اللَّهِ كَذِبًا لِيُضِلَّ النَّاسَ بِغَيْرِ عِلْمٍ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ﴾ (الأنعام: 143-144) 

Sidaa buu qur’aanku ugu inkiray; wax jideynta aan Allaah keligi; laga qaadanayn. Waana ku badan tahay dhexdiisa, caddaynta ah: “wax jideynta, iyo sheegidda waxa dadka u bannaan iyo waxa ka reebban, waa arrin u gaara Allaah”. 

-﴿وَلَا تَقُولُوا لِمَا تَصِفُ أَلْسِنَتُكُمُ الْكَذِبَ هَذَا حَلَالٌ وَهَذَا حَرَامٌ لِتَفْتَرُوا عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ﴾ (النحل:116) 

-﴿قُلْ أَرَأَيْتُمْ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ لَكُمْ مِنْ رِزْقٍ فَجَعَلْتُمْ مِنْهُ حَرَامًا وَحَلَالًا قُلْ آَللَّهُ أَذِنَ لَكُمْ أَمْ عَلَى اللَّهِ تَفْتَرُونَ﴾ (يونس:59) 

Wuxuuna kitaabbada u soo dejin jirey in la isku xukumo, wixii bannaan iyo wixii kalenalaga ogaado” 

Si miyir leh u akhri aayadahaan; ku jira suuradda: (المائدة)  

-﴿وَكَيْفَ يُحَكِّمُونَكَ وَعِنْدَهُمُ التَّوْرَاةُ فِيهَا حُكْمُ اللَّهِ ثُمَّ يَتَوَلَّوْنَ مِنْ بَعْدِ ذَلِكَ وَمَا أُولَئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ(43)  إِنَّا أَنْزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ يَحْكُمُ بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا وَالرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ بِمَا اسْتُحْفِظُوا مِنْ كِتَابِ اللَّهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ شُهَدَاءَ فَلَا تَخْشَوُا النَّاسَ وَاخْشَوْنِ وَلَا تَشْتَرُوا بِآَيَاتِي ثَمَنًا قَلِيلًا وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ (44) وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالْأَنْفَ بِالْأَنْفِ وَالْأُذُنَ بِالْأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ فَمَنْ تَصَدَّقَ بِهِ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَهُ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ (45) وَقَفَّيْنَا عَلَى آَثَارِهِمْ بِعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ مُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ التَّوْرَاةِ وَآَتَيْنَاهُ الْإِنْجِيلَ فِيهِ هُدًى وَنُورٌ وَمُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ التَّوْرَاةِ وَهُدًى وَمَوْعِظَةً لِلْمُتَّقِينَ (46) وَلْيَحْكُمْ أَهْلُ الْإِنْجِيلِ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فِيهِ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ (47) وَأَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ الْكِتَابِ وَمُهَيْمِنًا عَلَيْهِ فَاحْكُمْ بَيْنَهُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَهُمْ عَمَّا جَاءَكَ مِنَ الْحَقِّ لِكُلٍّ جَعَلْنَا مِنْكُمْ شِرْعَةً وَمِنْهَاجًا وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَكِنْ لِيَبْلُوَكُمْ فِي مَا آَتَاكُمْ فَاسْتَبِقُوا الْخَيْرَاتِ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ (48) وَأَنِ احْكُمْ بَيْنَهُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَهُمْ وَاحْذَرْهُمْ أَنْ يَفْتِنُوكَ عَنْ بَعْضِ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ إِلَيْكَ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَاعْلَمْ أَنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُصِيبَهُمْ بِبَعْضِ ذُنُوبِهِمْ وَإِنَّ كَثِيرًا مِنَ النَّاسِ لَفَاسِقُونَ (49) أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ﴾ (50)

…….

2) Ummad weyntii Islaamka ku dhaqmi jirtey, iyadoo ay jilicsanaan badan ka gashay, xagga caqiidada iyo ku  dhaqanka Diinta, baa waxaa ugu darmay; weerarradii reer galbeedka, ee ahaa afkaaro iyo ciidammo.   

Aakhirkoodiina waxaa la oggolaysiiyey, arrimo burburinaya asallada “Diinta xaqa ah”:

Waxaa la baray: “Awoodda sare iyo u talinta dadka”: “Allaah” ma leh, ee waxaa leh shacabka, ama xisbiga. Waqtigaan waxaad arkaysaa; mar walboo ay dastuur cusub; jidaysanayaan, inayan ka tegin oraahda ah: “awoodda oo dhan waxaa iska leh shacabka”

Bal qodobbada u horreeya bay ka dhigaan. Taa oo si toos ah uga hor imaanaysa Diinta xaqa ah. 

Waxaa la baray:  “U hoggaansamidda, iyo addeecidduna”, inay tahay arrinqaybsamaysa, oo laba nooc ah:

a)   Wixii ah: salaad iyo soon iyo xaj iwm, waa ugu hoggaansami karaa qofku Rabbigi, isagoo xor ah, oo hadduu iska daayo, ayan cidina daalac u raacan karin. 

b) Wixiise ah nidaamka nolosha dadka, siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha, iyo garsoorka, waa in loo wada hoggaansamo; Dastuurkii ay dejiyaan mudanayaasha; bulsha weynta matalaya. 

Waxaa la baray:  “Sharciga iyo nidaamku”, inuu yahay mid hor u maraya, dadkuna sida uu farsamooyinka qalabka; ugu horumarayo, buu ugu horu maraa; jideynta sharciga iyo nidaamka nolosha. Waxaana qalad cad ah; in lagu dhegganaado sharciyo looga dhaqmi jirey Jasiiradda carbeed, dhawr iyo toban qarni ka hor. 

Waxaa la baray: “Abaal marinta danbe”, inay tahay arrin aan la hubin,  una furan niqaash iyo dood xor ah, dhicina karto; in xujoba la waayo.

Si aad u akhrisato qaybta afaraad ee casharkaan halkaan riix