Get Adobe Flash player

{qaybta 2aad darsigii ahaa: Sidee “Diinta xaqa” ah looga lumi jirey?}

2)   Macnaha labaad: (Hoggaansamidda, iyo addeecidda)

1)- Hoggaansamidda, iyo addeeciddu, waxay ku xiran yihiin, hadba awoodda la rumeeyo,oo la aqoonsan yahay.

Mar hadduu qofku Hoggaansamo, oo cid addeeco, waa khasab in hoggaansamidda, iyo addeecidda uga horreysey, aqoonsi iyo rumayn uu awooddiisa rumeeyey.  

Dadkuna laba nooc oo awoodo ah, bay aqoonsadaan, oo rumeeyaan. Waxayna kala yihiin sidii aan soo sheegay :

a) Awood si qarsoon, oo aan asbaabaha ku xirrayn, u shaqa geleysa, dadkana soo gaarsiin karta khayr, iyo shar labadaba.

Taana waxay ka rumeeyaan: malaa’ikta, jinka, nabiyada,  iyo dad saalixiin ah, oo mar hore dhintay. Sida badanna waxay rumeeyaan, inay tahay awood uu bixiyey Rabbiga weyn ee sare. Ka dibna waa loo hoggaansamaa, waana la isu dulleeyaa. 

Qaababka ay hoggaansamiddu, iyo is dulleyntu u dhici jirteyna waa:

“u sujuudid, baryo iyo gargaarsi, xoolo u gowricid, iyo sawirka laga qoray ama qabrigiisa, oo la dul gabrado, ama lagu dawaafo iwm”. 

Qur’aanku sida uu ula hadlayna waa sidatan oo kale:

“awoodda aad ku malayseen, waa been, oo awood u gaara ma leh. Sidaa darteed ficillada aad u samaynaysaan, uguna hoggaansamaysaan, uguna dulloobeysaan, waa gaf, waana xaq uu lahaa Rabbiga idinka iyo iyagaba abuuray, oo aad u leexinaysaan qeyrki.

Mar inaad “Allaah” wax ugu hoggaansantaan, marna aad addoomadiisa wax ugu hoggaansantaan, waa “wax isugu darid”, iyo wax wadaajin (شرك) aad “Allaah” iyo qaar ka mid ah addoomadiisa ka dhexaysiinaysaan.

Waana danbi aad u weyn, oo aad ku mutaysanaysaan cadaab lagu waaro, haddaydinnaan ka tawbad keenin, oo aydinnaan u soo laaban, u khaalis yeelidda u hoggaansanka, iyo isu dulleynta Rabbiga wax abuuray, awooddoo dhanna keligi lahaa”. 

﴿يَا أَيُّهَا النَّاسُ اعْبُدُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ. الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ فِرَاشًا وَالسَّمَاءَ بِنَاءً وَأَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجَ بِهِ مِنَ الثَّمَرَاتِ رِزْقًا
لَكُمْ فَلَا تَجْعَلُوا لِلَّهِ أَنْدَادًا وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ﴾ (البقرة:21-22)

-﴿وَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ كَمَا بَدَأَكُمْ تَعُودُونَ﴾ (الأعراف:29)

-﴿فَادْعُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ﴾ (غافر:14)

-﴿هُوَ الْحَيُّ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ فَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ﴾ (غافر:65)

-﴿فَإِذَا رَكِبُوا فِي الْفُلْكِ دَعَوُا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ فَلَمَّا نَجَّاهُمْ إِلَى الْبَرِّ إِذَا هُمْ يُشْرِكُونَ﴾ (الروم:65)

-﴿إِنَّا أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ فَاعْبُدِ اللَّهَ مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ. أَلَا لِلَّهِ الدِّينُ الْخَالِصُ﴾ (الزمر:2-3)

-﴿قُلْ إِنِّي أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ اللَّهَ مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ. وَأُمِرْتُ لِأَنْ أَكُونَ أَوَّلَ الْمُسْلِمِينَ. قُلْ إِنِّي أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّي عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ. قُلِ اللَّهَ أَعْبُدُ مُخْلِصًا لَهُ دِينِي. فَاعْبُدُوا مَا شِئْتُمْ
مِنْ دُونِهِ﴾ (الزمر:11-15)

-﴿وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنْفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَؤُلَاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللَّهِ قُلْ أَتُنَبِّئُونَ
اللَّهَ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى عَمَّا يُشْرِكُونَ﴾ (يونس:18)

-﴿وَلَا تَدْعُ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنْفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَ فَإِنْ فَعَلْتَ فَإِنَّكَ إِذًا مِنَ الظَّالِمِينَ. وَإِنْ يَمْسَسْكَ اللَّهُ بِضُرٍّ فَلَا كَاشِفَ لَهُ إِلَّا هُوَ وَإِنْ يُرِدْكَ بِخَيْرٍ فَلَا رَادَّ لِفَضْلِهِ يُصِيبُ بِهِ مَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَهُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ﴾ (يونس:106-107)

 b)    Nooca kale ee ah, awoodo ay dadku aqoonsadaan, oo rumeeyaan, waa midda loo aqoonsado, boqorrada ummadaha ugu taliya jideyn ay iyagu degsadeen, oo aan laga qaadan kitaabka “Allaah”

Iyo tan loo aqoonsado, ninka caalimka ah, marka sharka iyo khayrkaba uu farayo.

Boqorka wuxuu qofku u raaco, waa baqdin uu ka baqayo, dhibaato xaggiisa uga timaadda, hadduu raaci waayo. Ama waa faa’iido uga soo laabanaysa oo uu ka rajeynayo. Ama midna ma ahee wuxuu is leeyahay; isku duubnida danta guud; iyo  sharafta qabiilka ama qaranka baa ku jirta.

Ninka caalimka ahna; marar badan wuxuu gaaraa; awood uusan boqorku gaarin, reer Yurubku waxay soo mareen xilliyo, ay wadaaddadu ka awood badnaayeen boqorrada, oo ay dhici jirtey erey uu wadaadku yiri, inay la liiqliiqato; boqortooyo xoog lahayd, waxayna ku noqon jirtey, mid aan laga soo kaban karin; haddii aan wadaadka la raalli gelin.

Markay ugu yar tahay wuxuu qofku u raacaa wadaadka oo gafaya, waa isagoo is leh: “malaha cilmi aadan ogeyn, buu og yahay”. Ama is leh: “carada culamada ha isku soo jiidin, yaan Rabbi kuu caroone”. Ama qofku wuxuu ka baqayaa; hadduu culamada hadal ku celiyo, inuu ku dhex ceeboobo bulshada iyo qaraabada. Taana waa awood macnawi ah.

Haddaba boqorka – madax weynaha – iyo ninka caalimka ah, waa loo hoggaansamaa – la caabudaa – oo loo dulloobaa. Qaabka lagu caabudana waa:

“wuxuu jideeyo ee khilaafsan kitaabka Allaah, oo lagu raaco; laguna dhaqmo”.

Dadka sidaa u lumay, wuxuu qur’aanku ku yiri, hadallo la macna ah:

 wax jideynta Rabbiga cidda wax loo jideynayo iska lahaa; baa u xaq leh in looga danbeeyo.

 Kuwa aad raacdeen jideyntooda; waxay idiin yihiin ilaahyo, iyo rabbiyo ka sokeeya Rabbiga weyn.

 Idinkuna waxaad noqoteen  wadaajiyeyaal “مُشركين ”.

 Haddii aydinnaan ikhlaaska u soo noqonna Naarta dhexdeeda baad isku haaraami doontaan. 

-﴿وَلَا تَأْكُلُوا مِمَّا لَمْ يُذْكَرِ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ وَإِنَّهُ لَفِسْقٌ وَإِنَّ الشَّيَاطِينَ لَيُوحُونَ إِلَى أَوْلِيَائِهِمْ
لِيُجَادِلُوكُمْ وَإِنْ أَطَعْتُمُوهُمْ إِنَّكُمْ لَمُشْرِكُونَ﴾ (الأنعام:121)

-﴿قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلا نَعْبُدَ إِلا اللَّهَ وَلا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا
وَلا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ﴾ (آل عمران:64)

-﴿وَلا يَأْمُرَكُمْ أَنْ تَتَّخِذُوا الْمَلائِكَةَ وَالنَّبِيِّينَ أَرْبَابًا أَيَأْمُرُكُمْ بِالْكُفْرِ بَعْدَ إِذْ أَنْتُمْ مُسْلِمُونَ﴾ (آل عمران:80) 

-﴿يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَأَرْبَابٌ مُتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ. مَا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِهِ إِلا أَسْمَاءً سَمَّيْتُمُوهَا أَنْتُمْ وَآَبَاؤُكُمْ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ بِهَا مِنْ سُلْطَانٍ إِنِ الْحُكْمُ إِلاّ لِلَّهِ أَمَرَ أَلاّ
تَعْبُدُوا إِلاّ إِيَّاهُ 
ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ. يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَمَّا أَحَدُكُمَا فَيَسْقِي رَبَّهُ خَمْرًا وَأَمَّا الآَخَرُ فَيُصْلَبُ فَتَأْكُلُ الطَّيْرُ مِنْ رَأْسِهِ قُضِيَ الأَمْرُ الَّذِي فِيهِ تَسْتَفْتِيَانِ﴾ (يوسف:39-41)

-﴿اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَهًا
وَاحِدًا 
لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ﴾ (التوبة:31) 
  

قال عدي بن حاتم: أتيت رسول لله صلى الله عليه وسلّم وفي عنقي صَلِيب، فقال: “يا  عدي ألْقِ هذا الوثَنَ من عنقك”، وانتهيت إليه وهو يقرأ سورة براءة حتى أتى على هذه الآية: “اتخَذُوۤا أَحْبَـارَهُمْ وَرُهْبَـانَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ ٱللَّهِ”  قال: فقلت: “يا رسول الله إنا لم نتخذهم أرباباً”، قال: “بلى، أليس يُحِلُّون لكم ما حرم عليكم فتحلونه ويحرمون عليكم ما أحل لكم فتحرمونه؟”. فقلت: “بلى”. قال: “فتلك عبادتهم”. (أحمد والترمذي)

 Markuu Nabigu –صلى الله عليه وسلم– Cadey bin Xaatim ku akhriyey aayaddaa sheegeysa, inay culamada rabbiyo ka dhigteen, buu yiri: “kama annaan dhigan rasuulkii Allow!!”.

– Markaa buu ugu jawaabey: “waad ka dhigateen.. sow idiinma xalaaleeyaan; wuxuu Allaah idinka xarrimay, idinkuna ma xalaalsataan, oo idinkama xarrimaan; wuxuu idiin xalaaleeyey, idinkuna ma xarrimtaan?. ”

 Wuxuu yiri: “haa”.

 Wuxuu yiri: “waa taa caabudiddoodu”. 

قال أبو البختري: “أما أنهم لم يصلوا لهم، ولو أمروهم أن يعبدوهم من دون الله ما أطاعوهم، ولكن أمروهم فجعلوا حلال الله حرامه وحرامه حلاله؛ فأطاعوهم فكانت تلك
الربوبية.”
 

 Wuxuu yiri: (uma ayan tukan, hadday fari lahaayeenna kama ayan yeeleen, wayse fareenoo xalaashii Allaah bay xaaraan uga dhigeen, xaaraantiisiina xalaal uga dhigeen,say waa ku addeeceen. Rabbinnimaduna waa taa.) 

وقال الربيع بن أنس: قلت لأبي العالية: كيف كانت تلك الربوبية في بني إسرائيل؟ قال: كانت الربوبية أنهم وجدوا في كتاب الله ما أُمروا به ونُهوا عنه فقالوا: لن نسبق أحبارنا بشيء؛ فما أمرونا به ائتمرنا، وما نهونا عنه انتهينا؛ لقولهم: فاستنصحوا الرجال، ونبذوا كتاب الله وراء ظهورهم” 

Wuxuu yiri:  (Abul Caaliya – waa taabici – baan ku iri: “sidee bay ahayd rabbinimada reer banii Israa’iil ka jirtey?”.
Wuxuu ku jawaabey: “waxay ahayd, iyagoo kitaabka Allaah ka helaya, wixii la faray iyo wixii laga reebay, bay yiraahdeen: culamadayada ka hor mari mayno, ee waxay na faraan baan fartoomeynaa, waxay naga reebaanna hadalkoodaan uga joogsanaynaa. Sidaa bay rag uga waana qaateen, kitaabkii Allaahna dhabarradooda ka tuureen.” )

2)- waxaa la is weydiin karaa, addeecidda aadanaha ee Diin ka baxa ah, xad lagu garto ma leedahay?.

Jawaab: Midda Diin ka baxa ah, ma aha addeecid oo dhan, ee waa: “wax uu Allaah jideeyey, faray ama reebay, oo aad ku addeecaysid markii laguu jideeyo khilaafki.” Waa taa midda ah: “Diin ka bixid, Rabbi samaysi, Ilaah kale samaysi, iyo Daaquud raacid”

3)- waxaa kaloo la is weydiin karaa, jebinta uu qofku jebiyo amar uu Allaah faray, ma Diintuu uga baxayaa, hadduu ku jirey markii hore?

Jawaab: Amar jebinta, iyo khilaafidda kitaabku, waa saddex darajo:

1. Mid waa diidmo qayaxan: waana dhawr qaab:

a) Bulshada ama qofka oo yiraahda: “yeeli maayo”, sidii tii Ibliis.

b) Dastuur la degsado, oo kitaabka hal meel ama ka badan ku khilaafsan.

c) Wixii kitaabku reebayey oo la faafiyo, inuu yahay wax fiican oo aan laga maarmi karin. Sida kuwa qaawanaanta dumarka, iyo is dhex galka ragga iyo haweenka u yaqaan: “ilbaxnimo”, “fan”, iyo “reer magaalnimo” iwm. 

2. Waa qofka oo danbiga ku dhaca, isagoo og inuu danbaabey, dibna uga baqaya in Rabbi ku cadaabo. Waa sinbiririxasho aan xalaalsi ahayn. Kaa Diinta uga bixi mayo. Hadduu yahay danbi ciqaab lehna, adduunkaa lagu ciqaabayaa, dahiridna waa u noqonaysaa. 

3. Waa qofka oo danbiga ku dhaca, isagoo aan ogeyn inuu denbi yahay, cilmi la’aan darteed, ama si qaldan wax u ta’wiishada. Kaana hadduusan cilmi dalabka ka gaabin, cudurdaar buu leeyahay.

Si aad u akhrisato qaybta saddexaad ee casharkaan halkaan riix insha allaah