Get Adobe Flash player

{qaybta 4aad darsigii ahaa: Sidee “Diinta xaqa” ah looga lumi jirey?} 

4)    Macnaha afraad: (abaal marinta)

1) Abaal marinta danbena; sidaa oo kale; baa looga lumi jirey. Laba qaab bayna u badnaan jirtey; sida looga lumi jirey: 

(kan hore) Waa inkirid iyo diidmo toos ah; laguna diidayo xujo ah: waa wax aan dhici karin, oo caqligu diidayo. Waxay oran jireen hadallada soo socda, oo uu xusay qur’aanku:

-﴿أَئِذَا كُنَّا عِظَامًا وَرُفَاتًا أَئِنَّا لَمَبْعُوثُونَ خَلْقًا جَدِيدًا﴾؟ (الإسراء:49)

-﴿مَنْ يُعِيدُنَا﴾؟ (الإسراء:51)

-﴿أَئِذَا مَا مِتُّ لَسَوْفَ أُخْرَجُ حَيًّا﴾؟ (مريم:66)

-﴿مَنْ يُحْيِي الْعِظَامَ وَهِيَ رَمِيمٌ﴾؟ (يس:78) 

Iyagu markay soo celinta danbe rumaynteeda diidayeen; waxay wax ku fiiriyeen, awood yaridooda, iyo sida ayan haba yaraatee isugu deyi karin, inay qof dhintay; jirkiisiina baaba’ay soo celiyaan. 

Sidaa darteed buu qur’aanku; mar walboo uu ka jawaabayo su’aalahooda noocaa ah, wuxuu tusayaa kan soo celinta danbe; ballan qaadaya; idinkoo
kale ma ahee, waa kii: “waxaan jiri jirin; wax jira ka dhigay. Ee maxaa loola yaabayaa wax uu mar abuuray, oo uu wax jira ka dhigay, hadduu yiri mar labaad baan abuurayaa? 

Bal u fiirso sida caqligalka ah ee loogu jawaabey:

﴿وَقَالُوا أَئِذَا كُنَّا عِظَامًا وَرُفَاتًا أَئِنَّا لَمَبْعُوثُونَخَلْقًا جَدِيدًا. قُلْ كُونُوا حِجَارَةً أَوْ حَدِيدًا.أَوْ خَلْقًا مِمَّا يَكْبُرُ فِي دُورِكُمْ فَسَيَقُولُونَ مَنْ يُعِيدُنَا قُلِ الَّذِي فَطَرَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ﴾ (الإسراء: 49-50) 

-﴿وَيَقُولُ الْإِنْسَانُ أَئِذَا مَا مِتُّ لَسَوْفَ أُخْرَجُ حَيًّا. أَوَلَا يَذْكُرُ الْإِنْسَانُأَنَّا خَلَقْنَاهُ مِنْ قَبْلُ وَلَمْ يَكُ شَيْئًا﴾ (مريم: 66-67) 

-﴿وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِيَ خَلْقَهُ قَالَ مَنْ يُحْيِي الْعِظَامَ وَهِيَ رَمِيمٌ. قُلْ يُحْيِيهَا الَّذِي أَنْشَأَهَا أَوَّلَ مَرَّةٍ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ﴾ (يس:79)        

(kan kale)
waa qofkii oo aan fikri ahaan u inkirayn, baa waxaa ka ba’aya cabsideedii, iyo rajadeedii. Isagoo leh Aakhiro baan rumaysnahay, buu ku dhiirranayaa wax uu maqlay, inuu kufri iyo Diin ka bax yahay. 

Tusaale waxaa ah Yahuudda, oo sheegan jirey inay yihiin; shacab uu Allaah doortay, Jannadana ay keligood gelayaan. Koodii Naarta galana inuusan ku waarayn, ee maalmo tirsan ku jirayo, Jannaana u danbaynayso. Nasaaraduna sidaa oo kale; bay isku amaanayeen. 

-﴿وَقَالُوا لَنْ يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَنْ كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَى﴾ (البقرة:111)

-﴿وَقَالُوا كُونُوا هُودًا أَوْ نَصَارَى تَهْتَدُوا﴾ (البقرة:135)

-﴿وَقَالَتِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى نَحْنُ أَبْنَاءُ اللَّهِ وَأَحِبَّاؤُهُ﴾ (المائدة: 18)

-﴿وَقَالُوا لَنْ تَمَسَّنَا النَّارُ إِلَّا أَيَّامًا مَعْدُودَةً﴾ (البقرة:80) 

Iyagoo sidaa isula sarreeya; buu Allaah ku tiriyey, kuwa aan Aakhiro rumayn:

-﴿قَاتِلُوا الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلَا بِالْيَوْمِ الْآَخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّى يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَنْ يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ﴾ (التوبة: 29) 

Sababta loo yiri Aakhiro ma ayan rumayn, waxaa ka mid ah, iyagoo Allaah ku been abuuran jirey, wax aan Diintiisa ku jirinna; oran jirey, Diintuu ka mid yahay:

-﴿وَإِنَّ مِنْهُمْ لَفَرِيقًا يَلْوُونَ أَلْسِنَتَهُمْ بِالْكِتَابِ لِتَحْسَبُوهُ مِنَ الْكِتَابِ وَمَا هُوَ مِنَ الْكِتَابِ وَيَقُولُونَ هُوَ مِنْ عِنْدِ اللَّهِ وَمَا هُوَ مِنْ عِنْدِ اللَّهِ وَيَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ وَهُمْ يَعْلَمُونَ﴾ (آل عمران:78)  

Nabigii ay sugi jireen, oo ay tilmaantiisa yiqiinneenna, waa beeniyeen; jaga ilaalsi darteed:

 -﴿وَلَمَّا جَاءَهُمْ كِتَابٌ مِنْ عِنْدِ اللَّهِ مُصَدِّقٌ لِمَا مَعَهُمْ وَكَانُوا مِنْ قَبْلُ يَسْتَفْتِحُونَ عَلَى الَّذِينَ كَفَرُوا فَلَمَّا جَاءَهُمْ مَا عَرَفُوا كَفَرُوا بِهِ فَلَعْنَةُ اللَّهِ عَلَى الْكَافِرِينَ﴾ (البقرة: 89)  

﴿وَلَمَّا جَاءَهُمْ رَسُولٌ مِنْ عِنْدِ اللَّهِ مُصَدِّقٌ لِمَا مَعَهُمْ نَبَذَ فَرِيقٌ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ كِتَابَ اللَّهِ وَرَاءَ ظُهُورِهِمْ كَأَنَّهُمْ لا يَعْلَمُونَ﴾ (البقرة:101)  

Waxaa Siirada lagu xusaa, sheeko dhex martay, duqii reer banii “Qurayda”, ee ahaa “Kacab bin Asad” iyo qoladiisii, markay muslimiintu hareereeyeen, dagaalkii “Axzaab” dhammaadkiisii.

Wuxuu u soo jeediyey; talo ah in Nabiga la raaco si dilka looga baxsado, wuxuu yiri: “waad ogtihiin; inuu run sheegayo”. Waxay ku jawaabeen: “tawraat kama tegi karno!!”. 

Qof walboo diiddan wax ka mid ah asallada Iimaanka, laga dhegaysan mayo Aakhiraan rumaysnahay, suu maba rumaysnee. Sheegashada rumayntuna jiri mayso jeer ay noqoto qalbi, qawl, iyo ficil.