Get Adobe Flash player

{qaybta 2aad darsigii ahaa: Sidee wax loo rumeeyaa, loona rumayn jirey}

Haddaba, markii uu Allaah soodiro rasuul, dadka tacliin luuqadeed looma furi jirin, afgarashooyin cusubna, lama fahamsiin jirin, ee luuqaddoodii ay ku wada hadli jireen; baa lagula hadli jirey, iyaguna waa fahmi jireen waxa laga doonayo intuu le’eg yahay. Iyagoo ogaal buuxa u leh, bay u qaybsami jireen; mid yeela iyo mid diida.

-” وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ رَسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ فَيُضِلُّ اللَّهُ مَنْ يَشَاءُ وَيَهْدِي مَنْ يَشَاءُ”
(إبراهيم:4)

Markii lagu yiri: “Allaah keligi inuu awoodda oo dhan leeyahay, oo khayrkii iyo dhibkii idin taabtaba xaggi ka ahaadeen rumeeya”, lama arki jirin mid inta yiraahda: “waan rumeeyey”, misana ka baqaya cid kale inay abaar, ama cudur ku riddo.

Ama isagoo ku hadlaya oo qiraya awoodda qarsoon ee ilaahyada, ama awliyada. Ama isagoo samaynaya ficillo uu ugu dulloobayo, kuna raalli gelinayo, cid uu awood qarsoon ka rumeeyey.

Taa lama arki jirin, waayo rumayn walba waxay wadataa hadallo iyo ficillo u gaara. Kan rumeeya Allaah keliya, isaga keliya buu baryayaa, isu dullaynayaa, u sujuudayaa, u dawaafayaa u biraynayaa, ka baqayaa, oo rajeynayaa. Kii cid ka sokaysa rumeeyana, ciddaa buu baryayaa, isu dullaynayaa, u sujuudayaa, u biraynayaa, ka baqayaa, oo rajeynayaa.

Kii Allaah awoodda weyn u qira, misana qira kuwo awood leh oo ka sokeeya, wuxuu ku khasbanaanayaa; inuu wadaajiye noqdo (mushrik), oo Allaahna wax ugu hoggaansamo, kuwa ka sokeeyana wax ugu hoggaansamo.

Taasina waa tii ay fali jireen mushrikiintii carbeed xilligii qur’aanku soo degayey. Wuxuu Allaah yiri:

-“وَجَعَلُوا لِلَّهِ مِمَّا ذَرَأَ مِنَ الْحَرْثِ وَالْأَنْعَامِ نَصِيبًا فَقَالُوا هَذَا لِلَّهِ بِزَعْمِهِمْ وَهَذَا لِشُرَكَائِنَا”  (الأنعام:136)

Oo ah: (Allaah bay qayb u bixiyeen, ka mid ah wixii uu abuuray, kana mid ah waxa la beero, iyo xoolo,  oo yiraahdeen: “kan Allaah baa leh – waa sidey sheegeene- kanna waxaa leh kuwaan la caabudeyney”)

Markii lagu yiri: “Allaah keligi inuu wax jideynta oo dhan leeyahay rumeeya”, lama arki jirin mid inta yiraahda: “waan rumeeyey”, misana ka sugaya cid kale inay wax u jideyso oo tiraahdo: “waxaan waa kuu bannaan yihiin, waxaanna kuuma bannaana”, “waxaan waa kugu waajib, waxaanna waa kaa reebban yihiin”.

Ama isagoo ku hadlaya oo qiraya shareeco aan tii Allaah ahayn, sida isagoo leh: “shareecadaa inoo dhexaysa”, ama “shareecadaan ku kala baxaynaa” iwm.

Ama isagoo samaynaya ficillo uu ku dhaqan gelinayo,  shareeco aan ahayn tii Allaah  .

Taa lama arki jirin, waayo rumayn walba waxay wadataa hadallo iyo ficillo u gaara. Kan rumeeya Allaah keliya, isaga keliya buu ka shareeco qaadanayaa. Kii cid ka sokaysa rumeeyana, ciddaa buu ka shareeco qaadanayaa.

Kii Allaah awoodda wax jideynta u qira, misana qira kuwo ka sokeeya,oo leh awood wax jideyn, wuxuu ku khasban yahay; inuu wadaajiye noqdo (mushrik), oo Allaahna sharci ugu hoggaansamo, kuwa ka sokeeyana sharci ugu hoggaansamo.

Taasina waa tii ay fali jireen mushrikiintii carbeed xilligii qur’aanku soo degayey. Shareecadii Nabi Ibraahiim; waxbay uga dhaqmi jireen, sida: bilaha xurmada leh in la dhawro, in la xajiyo bilo gaara, iyo ficillo badan oo la sameeyo marka la xajinayo, iyo meelaha la istaagayo. Iyo dhulka xaramka, iyo kacbada oo la xurmeeyo, iwm.

Waxayse lahaayeen, dhaqammo kale, oo ay jideeyeen dad ay ka sharci qaadan jireen, sida “sadanada”, oo ahaa kuwa sanamka u khidmeeya, afkiisana ku hadla. Wuxuu Allaah yiri:

-“وَكَذَلِكَ زَيَّنَ لِكَثِيرٍ مِنَ الْمُشْرِكِينَ قَتْلَ أَوْلَادِهِمْ شُرَكَاؤُهُمْ (الأنعام: 137)

-” أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ شَرَعُوا لَهُمْ مِنَ الدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَنْ بِهِ اللَّهُ” (الشورى:21)

4) waxaa jirtey; dadka intaan rasuul u imaan, inay  baadi ku jireen, baadiduna wax kale ma ahayne, waxay ahayd, iyagoo wax aan jirin, oo aan run ahayn, run moodey, oo rumeeyey. Markii ay rumeeyeenna; waxaa rumaynta ku xirraa hadallo iyo ficillo badan oo ay ku hadlayeen oo samaynayeen. Waxay rumeeyeen: Allaah inay ka sokeeyaan, kuwo xoogaa awooda leh, Rabbiga weyn xaggiisana ka helay, dadkana wax tari kara, muraadkoodana uga soo dhammayn kara Rabbiga weyn xaggi. Sidaa darteed waa ka baqi jireen sharkooda,  waana rajeyn jireen khayrkooda.

Qolo walboo sidaa wax u rumaysa, kuwaa ay awoodda ka rumeeyeen, magac bay ula bixi jireen. Carabtu waxay oran jireen (آلهة),“ilaahyo” ka sokeeya “ilaaha weyn”.

Magac walboo loo bixiyaana waa un kii kale, waayo hal macne baa magacyada kala duwan looga jeedey, oo ay cabbirayeen.

-“وَاتَّخَذُوا مِنْ دُونِ اللَّهِ آَلِهَةً لِيَكُونُوا لَهُمْ عِزًّا” (مريم:81)

-“وَاتَّخَذُوا مِنْ دُونِ اللَّهِ آَلِهَةً لَعَلَّهُمْ يُنْصَرُونَ” (يس:74)

Rumayntii waxay ku bixisay, hadallo iyo ficillo badan. Waa isu jilciyeen isuna dulleeyeen, danahoodana waa weydiisan jireen, markay dhibban yihiinna waw qayla geysan jireen, xoolana waw bireyn jireen. 

-“وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنْفَعُهُمْ وَلَا يَضُرُّهُمْ وَكَانَ الْكَافِرُ عَلَى رَبِّهِ ظَهِيرًا” (الفرقان: 55)

-“وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنْفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَؤُلَاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللَّهِ” (يونس: 18)

-“إِنْ نَقُولُ إِلَّا اعْتَرَاكَ بَعْضُ آَلِهَتِنَا بِسُوءٍ قَالَ إِنِّي أُشْهِدُ اللَّهَ وَاشْهَدُوا أَنِّي بَرِيءٌ مِمَّا تُشْرِكُونَ” (هود: 54)

Kuwaa waxay nabiyadu ugu yeeri jireen, inay rumaynta kala noqdaan, waxa ay ilaahyada ka dhigteen, Allaah keliyana rumeeyaan.

Weliba Nabi walba; wuxuu caddaynta u raacin jirey, hadalka ah: “waan idinka go’naanayaa, idinmana jeclaan doono, jeer aad Allaah keligi rumaysaan.

 -“قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِي إِبْرَاهِيمَ وَالَّذِينَ مَعَهُ إِذْ قَالُوا لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَآَءُ مِنْكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةُ وَالْبَغْضَاءُ أَبَدًا حَتَّى تُؤْمِنُوا بِاللَّهِ  وَحْدَهُ” (الممتحنة:4)

Iyaguna waxay taagnaayeen mowqif ah: “wax run ah beenin mayno”.

Laakiin markay ku dhacdo ciqaabtii looga digayey, bay u soo noqon jireen, rumaynta Allaah keligi, rumayntii qaldanaydna beenin jireen. Waase goor ayan rumayni cidna wax tarayn.

-“فَلَمَّا رَأَوْا بَأْسَنَا قَالُوا آَمَنَّا بِاللَّهِ وَحْدَهُ وَكَفَرْنَا بِمَا كُنَّا بِهِ مُشْرِكِينَ. فَلَمْ يَكُ يَنْفَعُهُمْ إِيمَانُهُمْ
لَمَّا رَأَوْا بَأْسَنَا سُنَّةَ اللَّهِ الَّتِي قَدْ خَلَتْ فِي عِبَادِهِ وَخَسِرَ هُنَالِكَ الْكَافِرُونَ” (غافر: 84-85)

Waxaa dadka la baray; Ilaaha weyn inuu yahay, mid aan lahayn wax la siman, sidaa darteed buusan u aqbalayn in cid lala rumeeyo, oo lala caabudo. Yacni laba rumayn oo is diiddan weeyee; mid ku ekaada. Kii garta Allaah keliya in la rumeeyo, ma dhici jirin inuu marna Allaah u hoggaansamo, marna ilaahyadiisii wax kale ugu hoggaansamo. Sababtuna waxaa weeye rumaynta baa markii hore ku bixineysey inay ka soo fulaan, hadallo iyo ficillo ah: hoggaansamid, isu dulleyn, iyo caabudid. Haddii rumayntii, la waayey, oo wixii run la moodey, run noqon waayeen, wixii rumaynta ka dhalan jireyna la waa. Sidaa darteed, qofku markuu u baahdo; wax ayan dadku keeni karin, oo awood weyn u baahan, hadduu u yeeranayo cid aan Rabbiga weyn ahayn, oo uu weydiinayo roob, risqi, awlaad, caafimaad, iwm. ilaahyo ha u bixiyo, ama awliyo, ama rooxaan, ama awooweyaal. Qofkaa kii yiraahda Allaah keliya buu rumaysan yahay, waa mid aan weli kala garan, “iimaan” iyo “kufri”. 

 Si aad u akhrisato qaybta saddexaad ee casharkaan halkaan riix